Kismaayo (AGGM): Cabdiwali Sheikh Axmed iyo Rag uu hor kacayay ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo uu dano isaga u gaar ah uu kala hadlayo maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.
Inna Sheekh Axmed Waxaa safarkiisa ku weheliya xubno ay isku doon saaran yihiin oo isugu jira noocyo badan iyo Xilmadhibaanno iwm.
Waxaa la adkeeyay Ammaanka magaalada Kismaayo iyadoo ciidamada AMISOM ay xireen waddooyinka magaalada, sidoo kalena waxaa magaalada lagu soo rogay bandow iyadoo la xirey dhamaan dhaqdhaqaaqii guud ee magaalada.
Labadan kooxood ayaa ka wada hadlaya sida la sheegay waxa ka hirgaley heshiiskii ay hore ugu gaareen magaalada Addis Ababa, waloow warar hoose oo xaqiiqo ah oo ay heleeyso Warbaahinta Allgalgaduud Media ay ka duwan yihiin, balse ma doonayno inana ka hor dhacno, WAXII JIRABA CAKAARO AYAY IMAAN.
Waxii kasoo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com