Muqdisho (AGGM): Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa xukun ku riday rag mid ka mid ah gacanta lagu dhigay isaga oo xirran dharka dumarka.
Liibaan Cali Yaroow oo ah guddoomiyaha maxkamada ciidamada ayaa sheegay in labada ruux lagu helay dembiyo kala duwan oo lagu soo oogay, laguna xukumay sanado kala duwan.
Eedeysanaha hore oo magaciisa la yiraahdo Max’ed Xareed Xasan ayaa lagu soo oogay dambi la xiriira inuu qaatay labiska Haweenka sida jalbaab goono iyo indho sharer waxaana lagu xukumay shan sano oo xabsi ah.
Max’ed Xareed ayaa maxkamada ka hor qirtay in uu si ciyaar ciyaar ah u qaadan jiray labiska dumarka hase ahaatee uusan ka mid aheyn Al-shabaab weligiisna ka mid noqon.
Ninka labaad ee la xukumay oo lagu magacaabo Xidigle Xasan Max’ed Cabdi ayaa ka tirsanaa Saldhig booliska Galbeed waxaana lagu eedeeyay inuu aflagaadu u geystay Taliyihiisa, uuna qaatay saldhiga ka qaaatay qalab waxaana Maxkamaddu ay ku riday xukun Xabsi gaaraya illaa 2 sano, iyo in laga xayuubiyo darajada ciidanimo.
Gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlada Somalia liibaan Cali Yarow ayaa sheegay in raggan ay racfaan ka qaadan karaan xukunka lagu riday haddii aysan ku qanacsaneyn.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com