Daawo+Akhriso Baaqa: Kulan Balaaran Oo Looga Hadlayay Xasuuqa Ka Socda Kismaayo Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Baaq Laga Soo Saaray.

0

Muqdisho (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaa in maanta Kulan ay iskugu yimaadeen golaha Nabada iyo Midnimada gobolada Jubbooyinka looga hadlay dhibaatooyinka iskugu jira Xasuuqa, Xariga, Kufisiga, Dhaca iyo Barakicinta baahsan ee lagu hayo shacabka dagan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Kulankan ayaa Waxaa kasoo qayb galay maanta qaar kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda deeganada gobolada Jubbooyinka waxaana looga hadlayay sidii caalamka loo tusi lahaa dhibaatooyinka ay Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ka wadaan Kismaayo.

Col, Cabaas oo furitaankii kulanka ka hadlay ayaa sheegay ujeedka kulanka inuu yahay sidii caalamka iyo dawladda Soomaaliya cadaadis loogu saari lahaa wax ka qabashada dhibaatada ka jirta degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Nabadoon Cali Diiriye oo kamid ah wax-garadka kasoo jeeda deeganada Jubbooyinka oo kulankaasi dhankiisa ka hadlay ayaa halkaasi ka akhriyey qaar kamid ah magacyada dadkii uga dhintay beeshooda dilalka Kismaayo ka dhacayay dhawrkii sanno ee u danbeeyay.

Halkaan Ka Daawo Baaqa Golaha Nabada Iyo Midnimada gobolada Jubbooyinka.

Halkaan Ka Akhriso Baaqa Golaha Nabada iyo Midnimada gobolada Jubbooyinka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com