Muqdisho(AGGM):Xil Shalay Deegaanka Ceelcade ee Gobolka Sabellaha Dhexe lagu Dilay sargaal Sare oo Hogaaminayey Ciidamada Deegaanka Ceelcade iyo 11 Ruux oo kale oo 8 kamid ah ay yihiin Ciidamada Dowladda ayaa waxaa falkaasi ka hadlay Aabaha Dhalay Sargaalkaasi.
Axmed Cali Max’ed oo ah Aabaha sargaal sare oo lagu Magacaabi jiray C/qaadir Ceelbuur oo shalay lagu Dilay dagaal ka dhacay Ceelcade ayaa sheegay in Falkaasi uu ahaa Shirqool lagu laayey Askarta uu ku jiro Wiilkiisa.
Waxaa uu sheegay in Arintaasi uu ka danbeyo Cabdi Jiinoow Calasow Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhaxe islamarkaana uu Amray in la laayo Ciidamadaasi.
Axmed Cali ayaa ugu baaqay Madaxda Dowladda Soomaaliya in ay Maxkamad soo taagaan dadka ka danbeeyey Dadka lagu Dilay Ceelcade oo uu ku jiro Sargaalka uu dhalay.
Halkaan Hoose ka dhageyso wareysi Xiiso badan
Isha ku hay Allgalgaduud Media
Allgalgaduud@gmail.com