Soomaalidu waxay ku maah maahdaa “Barasho Horteed Ha I Nicin”, annoo maah maahdaas ula jeeda, Mareexaan Maskaxdooda, Muruqooda Iyo Maalkoodaba R/wasaare Cabdiwali Sheekhoow waa ay kaa sii jeedaan balse hadda aadigaa isku jeedinaya oo dagaal ka dalbaday.
Ujeedka Qoraalkan Ninkii wax og uunbaa fahmi kara, ninkaan waxba ogeeyna inuu wax ka fahmaa ama loo bidhaamiyaa umma uu baahna.
R/wasaare Cabdiwali Sheekh waxaad faraha kula jirto hadaadan kala bixin, waxaa balan ah inaadan xilka aad heeyso aadan sii hayn doonin, taa oo macnaheedu yahay, Mareexaan adoon xil hayn buu jiray, haddaad xilka baneeysana waa ay jirayaan, balse ha isku dayin maalmaha aad joogto Xafiiska inaad colaad ka dalbato Mareexaan oo ay noqdaan kuwo adiga dagaal qaawan kula gala.
Qorshaha guracan ee ka socda Xafiiskaaga R/wasaare Cabdiwali Sheekh ee Xarunta Villa Soomaaliya waanu la soconaa, waana ka dharagsan nahay, waxaana kugu talinaynaa in aad faraha kala baxdo R/wasaare Cabdiwali Sheekh, haddii aadan R/wasaare Cabdiwali Sheekhoow faraha kala bixina ceebti ka timaadaa adigaa qaadanaya, Mareexaana Hortaa Buu Jiray, Gadaashaana Waa Ay Jirayaan ee haku fadeexoobin.
Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh waxaan u sheegaynaa inaan la socono kana badino qorshaha uu faraha kula jiro, balse waxaan u sheegaynaa ugana gaabsanaynaa Madaxweyne Xasan Sheekh waqtigii xeerinta waa uu dhamaaday.
Gab gabadi Qoraalkan ninkii caqli fog leh waa uu fahmi karaa in uu yahay Nasteexo iyo Caqli celin, waxaana kusoo gaba gabeenayaa “Waxaad heeysato ha u waayin waxaadan heli karin ama suura galayn”.
Naf Jecloow Nabad La Waa, Mareexaan Waa Dagaal Galayaan, Rabba ama Diida, Insha Allah Waana Guuleeysanayaan.
Maxamed Saciid Cali
Nairobi, Kenya
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com