Addis Ababa (AGGM): Maxamed Cabdi Afeey oo ah ninka Soomaaliya u qaabilsan urur goboleedka IGAD ayaa dhawaan shir xasaasi ah oo uu beeshiisa kula yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxa uu ka hadlay arimo aad muhiim ugu ah kuwaas oo gaaray ilaa heer la is dhaariyay.
Afeey waxa uu kulan la qaatay rag ku jira dowlada Kenya kuwaas oo ka soo jeedaa beeshiisa Ogaadeen, waxa ayna isugu jireen kuwo xildhibaano ah, kuwo ka tirsan ciidamada Kenya, Ganacsato, Odayaal Aqoonyahano,iyo qeybo kale waxaana qeyb ka ahaa kulankan, Axmed Madoobe oo ah Hogaamiyaha Maamulka Jubba.
Waxaa lagu gorfeeyay kulankan loogana dooday doorka siyaasadeed ee Beesha Absame kaga aadan Jubbooyinka iyo sidii ay u xoojin lahayeen awoodooda Ku sugan Kismaayo, isla markaana looga hortagi lahaa in ay ka bar bar abuuranto awood kale, Kol hadii la hadal hayay in dhawaan ay soo xaroodaan ciidamada ku sugan duleedka Kismaayo gaar ahaan deegaanka Goobweyn kuwaas oo uu hogaaminayo Barre Hiiraale.
Axmed Islaan (A/Madoobe) ayaa ku cataabay in sida ay beeshu Kismaayo hada u joogaan ayna sii socon karin awoodoodana muuqan karin hadii la ogolaado in ciidamadaasi soo galaan Kismaayo iyo in Barre Hiraale uu caqabad ku noqonayo Maamulka maadaama Beeshiisu ay u badantahay Deegaanka iyo dadka Kismaayo.
Waxa uu Axmed Madoobe intaa ku daray in Kenya ay tahay awooda ay ku joogaan hadii ay soo baxaan ciidamadana ay adkaan karto suurogalnimada in ay sii nagaadaan, isaga oo si cad u yiri ” Waxaan idinka codsanayaa tolkaygow in fursada aan haysano ka fa’iidaysano, in Kenya laga dhaadhiciyo in aysan bixin, in siyaasada AMISOM iyo xaafiiska UN ka ee Somalia laga dhaadhiciyo in Barre yahay nin qas wadaa, Afeey waxaan manta u bahanahay Garabkaaga xilka aad hayso noogu hiili, dhanka dowlada anaa idiin sheegaya Faarax waa saxiibkay dhow waxa uuna balan qaaday in wax walba uu iiga fududeeyn doono xaafiiska Madaxweyne Gurguurte war manta hadaad hiil la istaagi weydaan Kismaayo yaan nala eedin rageena qoryaha wata ee aan aqoonta lahay”
Wakiilka IGAD ee Somalia Maxamed Cabdi Afeey ayaa waxa uu meesha ka balan qaaday in uu geed yar iyo mid fog u fuuli doono sidii IGAD iyo AMISOM ciidanka Goobweyn hubka uga dhigi lahayeen iyo in Barre Hiiraale la dhaafiyo Kismaayo, “Waa balan Geeridayda ku ooya hadii aana intaas idiin sameyn oo inaan arkin idinkoo Kismaayo cabsi la’aan dhex mushaaxaya” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Afeey.
Afeey waxa uu sharaxay oo uu goobta ka sheegay in Somalia aysan ka jirin wax dowlad la yiraahdo balse ay niman NGO leey ah ay mudada u hartay jeebka ka buuxsanayaan isaga oo madaxwene Gurguurte ku tilmaamay nin aan aqoon u lahayn siyaasada isla markaana aan la socon dalka iyo waxa loo maleegayo.
Waxaa kulankan dhaqaalo xoogan ku yaboohay Ganacsato iyaga oo ugu teela galay in lagu xoojiyo ciidamada Axmed Madoobe.
Kulankan oo ahaa mid aad la isugu baroortay waxaa Afeey lagu mariyay Kitaab in uu balanta ka dhabayn doono.
Waxa uu arinkan imanayaa xili dhawaan AMISOM ay sheegeen in ciidanka goobweyn ay si nabad ah ku imaan doonaan goobohoodii Kismaayo isla markaana la habayn doono ciidamada hubaysan ee Kismaayo ku sugan si amaanka loo hubiyo.
Faysal Cali Xaaji (Kuusaaye)
Nairobi Kenya.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com