Bal akhristoow maanta aan idinla wadaago arin aad noo cajab galisay taa oo ah, Aduunka inta aad joogto subaxba waxbaad maqli, Soomaali intaan maqlayay waxa ay sheegaan saakaa ayaa iigu qosol iyo yaab badneed.
Koox yaroo dano gaar ah leh si wanaagsana loo wada yaqaan, aadna ugu xeel dheer sida loogu sheekeeyo Waxmagaratada, Haweenka iyo Caruuraha, ayaa beryhana waxa ay isla dhexmarayeen amaba ku sheekeenayeen in Col Bare Hiiraale Itoobiya iyo Kenya ay diidan yihiin arintaas oo ah wax lagu qoslo islamarkaana wax loogu sheekeeyo dadka Maskaxiyanka u dhiman (MENTALLY HANDICAP).
Col Bare Aden Shire (Bare Hiiraale ) Waa Soomaali, Dhulkiisi hooyo jooga, Goobweyna ma,ahan deegaan ka tirsan Kenya iyo Itoobiya oo marti loogu noqonayo ee waa dhul Soomaaliyeed, haddaba kooxdan yaree ku sheekeeysa amaba aaminsan in Goobweeyn Marti loogu yahay Kenya iyo Itoobiya, waa in ay ogaadaan Goobweeyn ay tahay dhulka Soomaaliyeed.
Kooxdan danaha gaarka ah leh ee sida waangsan aanu u garanayno islamarkaana aanu sida wanaagsan uga dharagsan nahay halka uu gaarsiisan yahay Caqligooda,Cilmigoodaba iyo Damiirkooda waxaanu leenahay waad huradaane hurdada beenta ah ka kaca.
Isku soo wada duuboo waxaan filaynaa kooxdan Damiirka iyo Imaanka Alle Subxaanahu Watacaalaa dabamarshay inay intaas ay ugu filan tahay jawaab iyo dhaqantoosinba.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com