War Deg Deg Ah: Inaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun C/llaahi Aden Carabeey (C/llaahi Inna Direey) Oo Maanta U Geeriyooday Dhaawici Ay U Geesteen Todobaadki Tagay Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni.

0

Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Allaha U Naxariistee C/llaahi Aden Carabeey (C/llaahi Inna Direey) uu maanta u geeriyooday dhaawici ay laba maalmood ka hor u geeysteen maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe. Halkan Guji Akhriso Warki Dhaawaca Marxuum C/llaahi Aaden Carabeey.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa Allaha U Naxariistee C/llaahi Aden Carabeey (C/llaahi Inna Direey) in labadii maalmood ee tagay xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayay isbitaal ay leeyihiin Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Siiraaliyoon oo ku yaala gudaha magaalada Kismayo Marxuum C/llaahi Aden Carabeey (C/llaahi Inna Direey) ayaa saaka halkaasi ugu geeriyooday dhawici cuslaa ee ay u geeysteen maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Marxuum C/llaahi Aden Carabeey (C/llaahi Inna Direey) ayaa maanta waxaa lagu aasay qabuuraha magaalada Kismaayo, Marxuumka ayaa hayb ahaan waxa uu kasoo jeeday Beesha Sade.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda Beesha Sade ee tacadiyadaas loo geesanayo ayaa weli la arag mid kamid ah oo  ka hadlaya xasuuqa, xariga, kufsiga iyo barakicinta baahsan ee ka socota magaalada Kismaayo, waxaana aamuskooda lagu micneen karaa labo arrimood oo kala ah sidan, 1- Inay Gawaadyo ka yihiin magalaada Muqdisho 2- inay ku lug leeyihiin amaba taageersan yihiin waxa ka socda magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale dowladda Soomaaliya ayaa weli ka hadlin xasuuqa, xariga, kufsiga iyo barakicinta baahsan ee ka socota magaalada Kismaayo, Qurbajooga, Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta beesha Sade ayaa waxay tuhun weeyn ka qabaan in waxa ka socsda Kismaayo ay Raali ka yihiin Qaar kamid ah Madaxda Sare ee Dowladda Soomaaliya.

Isku soo wada duuboo warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxa ay dhambaal tacsiyeed oo tiraanyo leh u direysaa dhamaan eheladi iyo qaraabada Birmageydada sida waxuushnimada ah looga laayay magaalada Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com