QM oo ka digtay Duulaan Al-shabaab ay ku soo qaadaan magaalada Muqdisho

0

Muqdisho(AGGM):Waakiilka Q,M u qaabilsan arrimaha Soomaaliya danjire Nicklos Kay oo asagoo ku sugan magaalada Nairobi ka hadlay arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in amaanka magaalada Muqdisho uu ka digayo in qal qal uu galo maadaama ay magaalada ku soo qul qulayaan dagaalamayaal ka tirsan Xarakadda Al-Shabab oo kasoo baxsaday magaalooyinka laga qabsaday ee ku yaala koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Amaanka magaalada Muqdisho mar uu ka hadlay danjire Kay waxaa uu sheegay in shacabka iyo mas’uuliyiinta kala duwan ee magaalada ku nool ay wal badan badan ku hayso amaan darida jirta sida uu yiri ee dhanka Al-Shabab kaga imaanaysa.

Wakiilka Q,M u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicklos Kay waxaa uu sheegay inay hadda hayaan xog ku saabsan in Al-Shabab ay maleegayaan weeraro bartilmaameedkiisu yahay xarunta Q,M ee Magaalada Muqdisho

“Amaan darida Muqdisho waxaa hadda dareemaya shacabka Soomaaliyeed, Q,M iyo beeshaa Caalamka dabcanna Al-Shabab hadda waxay doonayaan inay weeraraan xarunta Q,M”

Sidoo kale Nicklos Kay waxaa uu xusay in safiiradda dalalka caalamka u fadhiya Q.,M uu u gudbin doono qorshe u baahan in laga taageero dawlada Soomaaliya oo ay ku sugayso amaanka Muqdisho oo uu sheegay inay ka dhacaan weeraro amaanka liddi ku ah.

Dhawr jeer oo hore ayaa laga digay weeraro Al-Shabab ka geystaan magaalada Muqdisho oo ay dawladu maamusho.

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com