Mogadishu, March 31, 2014- Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Buri’ Mohamed Hamza ayaa maanta ka gudoomay koobi ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ( Extraordinary ambassador) Mohamed Ahmed Osman Ahmed Alhammadi oo ah madaxa ergada diblomaasiyadeed ee dowladda Iskutagga Imaaraadka Carabta u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya .
H.E. Buri’ Mohamed Hamza ayaa waxa uu carabaabay intii kulanka uu socday horumarka balaaran ee uu gaaray xiriirka diblomaasiyadeed iyo ganacsi ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka , isagoo muujiyay dadaalka dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto xoojinta xiriir iskaashi oo dhinacya badan leh oo ay la saxiixato dowladda Imaaraadka Carabta .
Danjire Mohamed Ahmed Alhammadi ayaa gudbiyay salaan uu ka siday Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraadka , waxaana uu carabka ku adkeeyay sida dowladdiisu ay diyaar ugu tahay inay u howlgasho u saldhigidda xiriir xoogan oo saaxiibtinimo iyo iskaashi oo dhexmara labada dal.
Kulankani oo uu goob joog ka ahaa agaasimaha guud ee hab maamuuska qaranka Adv. Hersi Haji Olosow , ayaa waxaa la qorsheynayaa in Safiirka cusub ee uu soo magacaabay Madaxweynaha dowladda Isku tagga Imaaraadka Carabta H.H. Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan, inuu si rasmi ah warqadihiisa aqoonsiga danjiranimo ugu wareejiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Hassan Sheikh Mohamud maalmaha nagu soo fool leh .
Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations