Garowe(AGGM):Wasaarada Amniga ee Maamulka Puntland ayaa Maanta magaalada Garowe ku soo bandhigtay Aalado laga sameeyo walxaha qarxa oo ay ka soo qabteen Magaalooyinka Puntland.
Wasiirka Wasaarada Amniga Maamulka Puntland Xasan Cismaan Maxamuud Alloore oo aqriyay Warsaxaafadeed Wasaarada ka soo baxay ayaa waxaa uu si rasmi ah ugu cadeeyay soo bandhigidda Aaladaha ka sameysan walxaha qarxa oo ay soo qabteen.
Qodobadii ku xusnaa Warsaxaafadeedka ayaa waxaa ka mid ahaa in Ciidamada Amaanka Puntland 48kii saac ee la soo dhaafay ay ciidamada ku guuleysteen in ay soo qabtaan 20 qof oo sida la sheegay looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Kooxda Alshabaab.
Halkaan Ka daawo
Isha ku hay Allgalgaduud Media
Allgalgaduud@gmail.com