Gudiga Ganacsatada Soomaaliyed ee Xaafada islii oo Hadal ka farxiyay u sheegay qaxootiga Soomaalid ah ee ku nool Kenya Muxuu Yahay Hadalkaasi.

0

Gudiga Ganacsatada Xaafada islii ee Magaalada Nairobi ayaa manta shir Jar’aid oo ay qabteen waxaa ay kaga warbixiyeen kulan ay dhawaan la qaateen Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyaatta iyo waliba ku xigeenkiisa Wilyam Ruto,kaasi oo looga hadlayay Amarkii dhawaan ka soo  baxay Dowlada Kenya ee ahaa in dadka Qaxootiga ah ee ku nool magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya ay dib ugu laabtaan xeryaha dhadhaab iyo Kaakuma.

Madaxda Gudiga Ganacsatada ayaa sheegay in ay kala hadleen Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta in dadka soomaaliyeed ay diyaar u yihiin mar walba ka qayb qaadashada nabadgalyada Kenya ,waxaana intaasi ay raaciyeen in ay kala kulmeen madaxweynaha hadalo wanaagsan oo ku muujinayay in aysan Kenya midab takooreynin soomaalida ku nool dalkiisa.

Xaaji Yaasiin oo ka mid ah Ganacsatada soomaaliyed ayaa  ugu baaqay shacabka soomaaliyeed  in ay ilaaliyaan nabadgalyada ,goobaha lagu cibaadeystana aan loo adeegsan meelo in dadka looga dhaadhiciyo xagjirnimada.

Ugu dambeeyntii Gudiga Ganacsatada islii ayaa si kalsooni ku jirto ugu sheegay shacabka soomaaliyed in aysan jirin dad si xoog ah loogu celinayo xeryaha qaxootiga iyo soomaaliyaba hase ahaatee  uu ahaa hadalkiisa ka soo yeeray Wasiirka Arimaha gudaha Kenya mid siyaasadeysan.

Tan iyo Markii Dolwadda Kenya uu ka soo yeeray hadalkii ku adaana dib u celinta qaaxootiga ayaa waxaa soomaalida la soo darsay walwal iyo cabsi xoogan taas oo aheed  hadalhaynta ugu badan  dadka ku nool xaafada islii ay isla dhexmarayeen maalmihii ugu dambeyay.

Kenya ayaa Ururka Al shabaab horey waxaa ay uga gaysteen qaraxyo iyo weeraro geeystay khasaare kala duwan taasi oo mar walbana cabsi ku abuurta bu,lshada soomaaliyed ee  ku dhaqan dalka Kenya.

Isha Ku haay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com