Ciidmada Kenya Ayaa Toogasho Ku Dilay Dad Loogaga Shakiyay Argagaxiso.

0

Booliska Dalka Kenya ayaa laba ruux oo ay uga shakiyeen inay ku lug lahaayeen weerarkii

kaniisada likoni ee countiga Mombasa ku toogtay aaga Ziwani ee degmada Mtongwe.

Dilkaan toogashada ayaa yimid xili ay madaxda kanisadaha gobolka Xebta ay isku dayayaan inay sameystaan qorshe lagu sugayo amnig goobaha kanisadaha ah,

Taliyaha boliska ee countiga Mombasa Roberta kitur ayaa sheegay ruux sdexaad oo ay Boliskuka shakiyeen uu cararay kaasi oo qayb dhaawac ay bolisku gaarsiyeen isla markaasina ay ku jiraan Boliisku raafinta ninkaasi iyagoo ka soo helay goobta ragaasi lagu dilay bistoolad iyo rasaasteeda.

Cidanada boliska ayaa kooxdaasi baadi goob ugu jiray iyagoo toogtay kadib markii lagu soo wargaliyay in rag leh tilmaamaha kooxdii weerartay kaniisada lagu arkay aagaasi

Sidoo kale Gudomiyaha dhanka amaanka ee Mombasa County Nelson Marwa ayaa xaqiijiyay dilka toogashada ah ee lagu dilay labadaasi ruux isagoo sheegay in ragaasi maydkooda hub laga soo helay.

Arinta Toogashadaan Ayaa Imaneyso Xili Madaxada Dalka Kenya Ay Amar Ku Bixiyeen In La Toogto Qofkii looga shakiyo Arimaha Argagaxisonimadaha  Hase Ahteeh Ciidmada Kenya Ayaan Ka Firsaneyin Dilka Ay U Geysanayaan Dadka Inta Badan Magalada Mombasa waxa Dagan Una Badan Dad Muslimiin Ah Dadka Qaar Ayaa Sheegayo In Ay Dhib Badan Ku hayaan dadka Haysta Diinta Kirsaanka Oo Ka so Horjeeda Diinta Islamka .

Isku soo Wada Duuboh Dowlada Kenya Ayaa waxay Dagal Xoogan Kula Jirtaa Kooxaha Al-shabab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com