Diyaarado Duqeyey Saldhig Al-shabaab Gobolka Shabellaha Dhexe

0

Jowhar(AGGM):Diyaarado Dagaal oo aan la ogeen halka laga leeyahay ayaa Xalay Duqeeyey Saldhig Al-shabaab ay ku leeyihiin Gobolka Shabellaha Dhexe.

Duqeynta ayaa ka dhacday Deegaanka Gamboole oo u dhaw Degmada Jowhar ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in Duqeeynta ay Fuliyeen ilaa iyo Labo Diyaaradood  oo ah Nuuca Dagaalka,kuwaas oo Madaafiic la Dhacay Saldhiga Al-shabaab ee halkaasi ay ku leeyihiin.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe Daa’uud Xaaji Ciiro ayaa Gal-jubba u xaqiijiyey Duqeynta Al-shabaab lala Beegsaday.

Waxaa uu sheegay in Al-shabaab Duqeynta Khasaare aan la Cayimin loogu geeystay,dibna ay ka soo sheegayaan Baaritaan kadib.

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com