Muqdisho (AGGM): Hay’adaha gargaarka u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa walaac xoogan ka muujiyay suurta galnimada inay sii kororto xaalada bini-adanimo dadka ku nool qeybo ka mid ah Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya,xilli dagaalo ay ka socdaan.
War laga soo saaray xafiiska isku xirka arimaha bini-adanimada ee Qaramada Midoobay (OCHA),ayaa lagu sheegay in baahida loo qabo in gargaar la gaarsiiyo deegaano iyo degmooyin ka mid ah soomaaliya ay aad u liidato,iyadoona arintaasi ay sabab ugu dhigeen hadba xaalada amaan oo isbad badeleysa.
“ Dadka arimaha gargaarka ka shaqeya waxay go’aansadeen inay ka jawaabaan baahiyaha bini-adanimo Ee Jirta laakiin,waxaa adag sidii looga jawaabi lahaa,” ayaa lagu yiray warka OCHA ay soo saartay.
Sidoo kale,warsaxaafadeedka ayaa intaasi wuxuu ku darayaa in howlgalka hada socda laga yaabo in si toos ah saameeyn ugu yeesho deegaano iyo degmooyin ka tirsan Koonfurta Soomaaliya,”sida OCHA ay shaacisa,waxaana howlgalka u jeedkiisa lagu sheegay inuu yahay mid Al-shabaab looga saarayo meelaha ay maamulaan.
OCHA,ayaa rajo wanaagsan ka muujisay in hadii howlgalka hada socda uu horseedo dhisitaanka maamul wanaagsan meelaha cusub ee hada gacanta lagu dhigayo,taasi bixin karto Fursad ah in Hay’adaha gargaarka iyo Ururada Maxaliga ah si nabad galyo ah howshooda u gutaan.
Ciidamada Midowga Africa oo ay wehliyaan kuwa Dowlada Soomaaliya ayaa magaalooyiin badan waxay ka saareen Al-shabaab.
Howlgalkaan Malitari ee hada Socda ayaa Bilowday Bisha Maarso,markii Ciidamo Ethiopian ah la wareegeen gacan ku haaynta degmada Xudur ee gobolka Bakool halkaasi oo Al-shabaab ay xukumayeen.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com