Top New: Maamulka Puntland oo Codsaday Ciidamo Amisom ah

0

Garoowe (AGGM): C/wali Max’ed Cali Gaas M/weynaha Puntland oo taleefoonka ugu waramayay wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegay in maamulkiisu uu xilligaan wal walka ugu badan ka qabo in hogaamiyaasha Al-Shabab ay isku urursadaan degaanadda uu maamulkiisu ka taliyo gaar ahaan buuraha Gal-gala oo ku yaala gobolka Bari si uga bad baadaan dhaq dhaqaayada ciidan ee gobolada koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ka wadaan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

C/wali Gaas waxaa uu sheegay in dhulka buuralayda ah uu ka bilowday dhaq dhaqaaqyo ay samaynayaan xubnaha Al-Shabab oo ay ku doonayaan inay ku soo dhaweeyaan hogaamiyaasha Al-Shabab ee doonaya inay ka baxsadaan gobolada dhexe iyo kuwa koofureed ee Soomaaliya.

M/weynaha M/mul goboleedka Puntland C/wali Max’ed Cali Gaas waxaa uuxusay inay u baahanyihiin taageero ay ka helaan ururka Midawga Africa taaso ah in degaanadooda la geeyo ciidamo AMISOM ka tirsan oo Al-Shabab ka ilaaliya degaanada Puntland.

“Waa wax cad in xubno Al-Shabab ay hadda magan galyo usoo doonanayaan buuraha Galgala oo ay hawdhowna adkaan doonto in laga saaro marka caawin ayaan u baahanahay waxaana dadkeena u baahan yihiin taageerada AMISOM” ayuu yiri C/wali Gaas.

C/wali Gaas waxaa uu waraysigaan uu siiyay wakaaladda Wararka Reuters ku sheegay in dawlada Soomaaliya oo ay hal cadaw leeyihiin aysan wax xog ah ka siin abaabulka ka dhanka ah Al-Shabab ee ay wado sida uu yiri.

Isha Ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com