Bayaan: Soo Saarida Boqorka Daarood Oo Wali Khilaaf Ka Taagan Yahay.

0

Qardho (AGGM): Jifida Bahdir ee (Cismaan Maxamuud ) ayaa soo saartay Baaqaan ku wajahan Khilaafka xoogan ee ka aloosmay soo saaridii Boqorka Daarood.

Ku: Isimada, Nabadoonada, Caaqilada, Indheer garadka, iyo Mashaaiikhda Beesha Cismaan Maxamuud (Majeerteen)

Og: Isimada Beesha Mohamed Harti

Og: Isimada Beesha Mohamuud Harti

Og: Isimada Beesha Said Harti

Og: Isimada Beesha Ahmed Harti

Og: Isimada Beesha Abdirahmaan Harti.

Og: Isimada Beesha Geesi Guul Harti.

Og: Isimada Beesha Liibaan Harti.

Og: Isimada Beesha Geri Koombe.

Og: Isimada Beesha Abdi Koombe.

Og: Isimada Beel weynta Absame.

Og: Isimada Beesha Sede.

Og: Isimada Beesha Tanaade.

Og: Isimada Beesha Yusuf Daarood.

Og: Isimada Beesha Iise Daarood.

Ka ddib markey Nabadoonada, Cuqaasha, rag garboodka, aqoonyahanada, iyo culimaau diinka jifida Bahdir ee (Cismaan Maxamuud) oo ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisu xaqiiqsadeen in qoyska Reer Yuusuf Cismaan ee ( Bahdir) ey isku khilaafeen soo saaridii Boqorka taasoo abuurtay kala fogaansho iyo mucahida la aan dhexdooda ah.

Kaddib markii waxgaradka Jifida Bahdir ee (Cismaan Maxamuud) oo dibad iyo gudahaba ku sugani arrinaas lafa gureen lana tashadeen waxgaradka Beesha Cismaan Maxamuud, Bahdir wexey isku raaceen lyadoo tixgelineysa si asal-raacnimo ah xeerarkii soo jireenka ahaa ee Boqortooyada Daarood.

Haddaba iyagoo gudanaaya waajibka ka saaran xal u helida khilaafka jira isla markaasna tixgelinaaya nidaamkii sooyaalka ahaa, Jifida Bahdir ee (Cismaan Maxamuud) wexey Gudoomisey qodobada hoosku xusan:

1. In caleema saarka bisha shanaad la iclaamiyey iyo kan kale oo la sheegay in isla bishaas la iclaamin doono labaduba anney lahayn wax muhimad ah iyadoo aan la xalin khilaafka jirah.

2. Maa dama khilaafkii qoyska reer Yuusuf Cismaan uu si weyn u ballaartay khilaafkaas oo aanay ka soo bixin wax natiija ah oo laysku raacsanyahay, JIfida Bahdir ee (Cismaan Maxamuud) wexay ogaysiineysaa Beesha Cismaan Maxamuud, waxgaradka iyo isimada qaranka Daarood inuusan jirin Boqor laysku raacsanyahay wakhtiga xaadirka ah.

3. In Bahdir sida ugu dhaqsaha badan ey xal ugu raadin doonto soo afjarida khilaafka.

Goaankaan waxaa soo saaray waxgaradka Jifida Bahdir (Cismaan Maxamuud) oo hoos ku xusan:

1. Caaqil Maxamed Noor Yuusuf Noor

2. Caaqil Ali Haji yuusuf

3. Nabadoon Cumar Abshir Cumar

4. Nabadoon Aadan Axmed Maxamed

5. Nabadoon Maxamud salaad Maxamud Cade

6. Nabadoon Cisman Noor Cismaan

7. Nabadoon Noor Axmed dheere

8. Nabadoon Noor Cismaan Togox

9. Nabadoon Abdi Ali Geesood

10. Nabadoon Siciid Ali Axmed

11. Nabadoon Maxamed Said Shaaribo

12. Nabadoon Noor Ali Axmed

13. Mr. Maxamed Cismaan Togox

14. Mr. A/Caziz Cismaan Togox

15. Caaqil Said IIse Cumar

16. Caaqil Maxamud Xirsi Xaaji

17. Eng. Bulxan Yuusuf Cismaan

18. Eng. Maxamed Slciid Cisman

19. Eng. Maxamed Abdulqaadir

20. Eng. Cali Yassin Iise

21. Eng. Sharmarke Cali Xaji

22. Eng. Faarax Cabdullahi Cumar

23. Eng. Maxamed Siciid Cali

24. Eng. Maxamed Saalax Maxamed

25. Caaqil Cabdulqaadir yusuf Maxamed

26. Mr. Zekerie Yuusuf Cumar

27. Eng. Axmed Noor Yuusuf

28. Mr. Axmed Aadan Axmed

29. Mr. A/rizaq Ismaaciil Jamac

30. Mr. Axmed Yaasin Maxamed

31. Mr. Ismaaciil Maxamed Axmed

32. Mr. Siciid Fniin Yuusuf

33. Mr. Maxamed Musse Cumar

34. Mr. Cabdi Cismaan Yuusuf

35. Mr. Maxamuud Maxamed Bare

36. Mr. Daahir Maxamed Cismaan

37. Mr. Maxamud indhataag

38. Mr. Maxamed Axmed Samantar

39. Mr. Maxamed maxamud Isgawrac

40. Mr. Abshir Maxamed Maxamuud

41. Mr. Yaasiin Finiin Yuusuf

42. Mr. Maxamed Cali Daawad

Wa billahi Tawfiiq.

_________________________

Bayaankan waxaa soo gaarsiiyay Warbaahinta  Allgalgaduud Media, Hanad Boqor C/llaahi Boqor Muuse (King Kong).

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com