Warqad Furan Oo Ku Socota Madaxda DFS:Yaan Loo Magacaabin Wax Xil Ah Eedaysane Generaal Cali Madoowe.

0

Warqad Furan: Ku:Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaliya
Ku:Cabdiweli Shiikh Axmed, Raisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaliya
Ku: Professore Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari, Gudoomiyaha Baarlamanka Federaalka
Og:Xeer Ilaaliyaha dowladda federaalka Soomaliya
Og:Safiirka Soomaliya ee Belgium iyo Holland

Ogeysiin:

Waxaan masuulyiinta ku kor xusan ogeysiinaynaa gaarka ahaana Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Raisul Waraaha C/Weli Shiikh inay dhowaan bilaha soo socda magaalada Hague ee wadanka Holland ka bilaaban doonto dacwo lagu soo oogay Gacan Ku dhiigle Generaal Cali Madoowe Xasan Looyaan oo bishii September 2006 ku xasuuqay garoonka dayuuradaha ee magaalada Baydhabo oo xarun ku meel gaar ah u ahayd xakuumadii Cabdullahi Yusuf ee xilligaasi jirtay 7 dhalinyaro shaqaale ka ahaa garoonka dayuuradaha ee magaalada Baydhabo oo dhamaantood ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle.

Eedaysanaha ayaa xilligaasi ku magacownaa taliyaha booliska ee xakuumadii Cabdullahi Yusuf, iyadoona dacwooyin la xiriira falkaasi xasuuqa ah ay qareenada marxuumiinta ka wakiil ah oo jooga wadamada England iyo Holland ay dhowan soo gabagabeeyn doonaa baaritaankii ugu dambeeyay kadibna dacwo falkaasi xasuuqa ah laga diiwaan galin doono magaalada Hague oo xarun calaami ah oo maxkamad caalimi ah ku taalo. Nuqulka dacwada lagu soo oogay gacan ku dhiigle Generaal Cali Madoowe ayaa loo soo gudbin doonaa xafiisyada Madaxweynaha, kan Raisul Wasaaraha, xeer ilaaliyaha dowladda Soomaliya iyo weliba safiirka u fadhiya Soomaliya wadanka Holland, Dott.Cali Fiqi, wasaaradda arrimaha dibbada ee wadanka Holland iyo hayadaha xaquuqal insaanka ah.

Eedaysanaha Generaal Cali Madoowe Xasan Looyaan oo heysta dhalashada wadanka Holland isaga ciddiisaba oo welibana lacagaha cayrta ah ka qaato wadanka Holland ayaa noqon doono masuulkii ugu horeeyay ee haysta dhalashada wadanka Holland oo fal xasuuqeed lagu soo eedeyo.

Masuuliyiinta sarsare ee dowladda gaar ahaana xafiiska Raisul Wasaaraha lagu warglinayaa inay dacwada ka dhan eedaysanaha aysan hab qabiil oo dhisan eexasho iyo farogelin ay ku sameeyaan dacawada lagu soo oogay eedaysanaha. Waxaana kale looga digayaa inaysan wax xil ah umagacaabin eedaysanaha.

Waxaad kale la socotaan in masuuliyiin ka tirsan xukumadahii ka talin jiray wadanka Soomaliya 40sano ugu dambeeyay in maxkamado caalimi ah la saaray iyaga oo lagu soo eedeeyay inay falal tacadi ah ay u geysteen muwaadiin Soomaliyeed. Waxaa kale xasuusin ah in hayadaha xaquuqal insaanka ah ayaa marar badan ku eedeeyeen dowladda federaalka Soomaliya inay ka gaabisay amase aysan waxba ka qaban falal dilal iyo kufsi ah oo loogaysatay muwaadiiniin badan oo Soomali ah. Farogalin ay ku sameeyso dacwada eedaysanaha Generaal Cali Madoowe ayaa sii dhowaaci karto sumcadii ay dowladda federaalka Soomaliya ay ku lahayd beesha caalamka iyo hayadaha caalimiga ah ee u dooda xaquuqal insaanka.

cali madoobe

Tixgelin
Arlaadijustice@gmail.com

Dource: http://dayniile.com/

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com