Dhageyso: Cabdiwali Gaas Oo Ka Hadlay Arinta Gobolada Sool, Sanaag & Ceyn Kadib Markuu Gaaray Jig Jiga.

0

Jig Jiga (AGGM): Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland, C/wali Maxamed Cali Gaas, oo maalmahaan booqasho ku joogay dalka Ethiopia, ayaa shalay gelinkii danbo gaaray magaalada Jig-Jiga ee ismaamulka Soomaalida dalka Ethiopia.

Madaxweyne Gaas, ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Addis-Ababa, waxa uu la kulmay R/wasaaraha Ethiopia iyo madaxda kale ee dalkaasi.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar, ku xigeenkiisa, gudoonka baarlamanka iyo xubno ka tirsan wasiirada DDSI ayaa madaxweynaha iyo wefdiga la socday soo dhoweeyey.

Docda kale, madaxweynaha Puntland oo u waramayey xalay idaacada VOA qaybteeda Af-soomaaliga, wuxuu si cad u beeniyey wararka sheegaya inuu Itoobiya kala hadlayey arrimaha gobolka Sool oo Soomaaliland gacanta ku hayso.

Dastuurka ayaa qeexaya gobolad Sool, Sanaag iyo Cayn inay ka tirsan yihiin Puntland sida uu madaxweynuhu sheegay, wuxuu ku sifeeyey qorshaha goboladaas mid dastuuri ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in soo celinta gobolka Sool ay u taalo rabitaanka shacabka deegaanka iyo go’aanka dowladda, balse aysan la tashi uga baahnayn dowladda Itoobiya. Madaxweynaha ayaa Itoobiya ku tilmaamay dal uu xiriir kala dhexeeyo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com