Top News: Danjire Nicholas Kay Oo Cambaareeyay Weerarkii Xarunta Madaxtooyada.

0

Muqdisho (AGGM): Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya danjire Nicholas Kay ayaa cambaareeyay weerarkii maanta lagu qaaday xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.

Danjiraha ayaa weerarka ku tilmaamay fal-dambiyeed aan soo kordhineyn wax aan ka ahayn dhibaato soo gaarta shacabka Soomaaliyeed, wuxuu xaqiijiyay inuu la hadlay madaxweynaha Soomaaliya, uuna u tacsiyeeyay ehelada dadkii dhintay, isagoo kuwa dhaawaca ahna u rajeeyay caafimaad degdeg ah.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu danjiruhu sheegay inay ka daaleen dilal iyo qaraxyo, isla markaana la joogo waqtigii ay taariikh cusub u billaaban lahayd Soomaalida.

Wuxuu ballan-qaaday in Qaramada Midoobay iyo bulshada caalamka ay sii wadi doonaan dedaallada ay ku garab taagan yihiin xasilloonida iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com