Top News: Dowladda Turkiga oo beenisay in Somalia aan lacagatii la siin jiray laga jarin.

0

Ankara(AGGM): Xukuumada dalka Turkiga ayaa cadeeysay in taageeradii maaliyadeed ay si tooska u siin jirtay xukuumda somalia ay bixisay bartamihii sanadii 2013-kii iyadoo lagu wareejiyay dowlada somalia,waxana ay xaqijisay in taagero midkaa lamid ah ay bixin doonto sanadkaan sida lagu qoray jariidada Hurriyet ee kasoo baxda dalka Turkiga.

Jariidada ayaa soo xiganaysa wasaarada arimaha dibada dalka Turkiga oo soo saartay war qoraal ah oo ay ku leedahay “iyadoo laga amba qaadayo dalabka madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud,dalkeena waxa uu bixiyay intii u dhaxeesay June ilaa iyo december sanadii 2013-kii lacagihii cadaanka ahaa ee la sin jiray somalia si looga jawaabo dalabyada dag daga ah ee ku salaysan miisaniyada xukuumada somalia”

Warkaan kaso baxay xukuumada Ankara ayaa imaanaya kadib markii warbaahinta ay baahiyeen in Turkiga uu jaray taageradii tooska aheyd uu ku biirin jiray miisaniyada somalia,wasarada arimaha dibada dalka Turkiga ayaa hadalkeedi intaa waxa ay ku dartay in somalia aysan jirin bangiyop lacagaha loogu soo diro sidaa darteeda waxa xukuumada Muqdisho lacagaha loo soo marsiiyay safarada Turkiga ay ku leedahay somalia.

 Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com