SAL-LUUG
W/Q: Abwaan C/laahi Muuse Xasan (Kalgacal)
- Soomaali dhexdeeda
- Wixxii salal oogmay
- Nimmaanan ka seexxan
- Waliba surmiyaadki
- Dhaxdood surrunsuurro
- Sabooyinka geeya
- U soo sarre joogay
- Siday simmad yeeshay
- Rabbow saldhiggaaga
- U yeel sammahooda
- Inaad sad-bursiimmo
- Siyaado ku siissid
- Sadkood laba jeerba,
- Subxaan hufnidaada
- Sammiicul mujiib
- Siyaasadahaagu
- Sirtoodu gun-dheere
- Rabbow sufraddooda
- Sindhiidh badideeda
- Ka saahid ahaansho
- Ku soorri ku saacid,
- Siday danbidaanna
- U suurto ahaadto,
- Rabbow sakhirkaaga
- Sunnuud hellitaanka
- Siffaalle wanaagsan
- U saammi ahaadto
- Sabuurnimmadaada
- Rabbow uga suulli
- Dhibaal sarranseersha,
- Saluugna si weeye
- Si weeye si joogta
- Intuu ka sagsaagto
- Sidii maqqan doona,
- Si taagan markeedna
- Saq-diidaha beensha
- Sammaan xilligeed leh
- Ku saydhiyay weeye,
- Saadaaliye weeye
- Saadaalyo runteedna
- Wad baa ka sogkeeya,
- Sacaadada maanta
- Berraan sugayyaa
- Sillooni xun weeye
- Saxriir ololkeede
- Sarreedada guushu
- Siyaado la raadsho
- Adoonan la sooccan
- Intii sacabkaaga
- U saammi ahaadtay
- Inaad sug’to weeye,
- Saluugga sirtiisa
- Haddaan kugu soorro
- Ku siiyo xogtiisa
- Adoo subax aaday
- Kan sayladda weeye
- Adoo summal geeyey
- Sunnuud dhigan keed leh
- Ha siisannin maanta
- Intuu kugu suuxsho
- Ciddii safarrkaaga
- Sugaysay ayaammo
- Kan seejiya weeye
- Dhaqqaal sillic haystay
- Ka saarri-lahaa,
- Sabooliye weeye
- Sarraaya dagaal ah,
- Siffaalaha gush-sha
- Ma saadiyo raaxxo
- Ma seerriyo beerro
- Sallabe umma qaadto
- Halkuu sabadeeda
- La yaallo sammaanta,
- Siwaaqqa xussuusta
- Ab-soo hirrad kii leh
- Soo-yaal farraxxii leh
- Wanaag kumma soohho,
- salluugtammiddiisa
- Sibraar umma yaallo
- Dhigaal subaggii leh
- Haddana sugi mayo,
- Si ay sumcaddiissa
- Sarreyn u ahaadto
- Inuu suxxulleeyo
- Qoondeyn saldhiggeed leh
- Salluugtammiddiisa
- Ka saahid ahaa
- Ka soommi dhiggiina
- Kolkay u saftaan
- Ku sooffidda tooda,
- Sabaansabbiddiisa
- Wax baan saxxay-yaada
- Ayaa summaddii ah
- Si uu sixxin buuxxay
- U saydhaiya uun,
- Sammiicul bassiirku
- Kol uusan ku saarrin
- Sassabo badidiisa
- Kan weeye sarriigo
- Xish-shood kugu suurfa
- Missana ku su,aalla
- Kolkay sufrad joogto,
- Ruuxxey sammeydiisu
- Warreento suntiissu
- Hadh-laawe u soocca
- Geed aan ku siffeeyo
- Sarmaan umma dhaaffin,
- Sidaan ula jeedo
- Haddaan sababbeeyo
- Ma yeesho silkoolle
- Dhig kuu sarre joojja
- Ma yeesho sullaaxshe
- Sabooyin darreeda
- Saalimmow-na ma yeesho
- Han-gool saddaf tiis leh,
- Dhillis-yo is ma saarro
- Daabkey sudhmi-laydna
- Sargaanna ma yeesho
- Cannan sabigeed ah,
- Koley tahay seenyo
- Ri’I baanan ku sooffin
- Sabeenna ma daaqdo
- Saccana haba sheegin,
- Kol uu sudh-dho xayn-ka
- Sin saarro ma daayo
- Ma saammaxxo ruuxna
- Danbina is ma saaro
- Saa geed ka ahaa’e,
- Sarmaan ma necbeysan
- Siffuuse ahaaday
- Salluug matallaaya
- La sowrac ahaaday
- Sawaal bixidtaan-ka
- Sawwaabiya sheegga
- Si uun fahan-keed leh,
- Muxxuu sammo leeyay
- Kolkaan is su’aallay
- Sac-wayda ka gooya
- Wayshii sahannaysay
- Si loo kala geeyo
- Maxxaa ugu suubban
- Sansuu u ahaaday,
- Murtiba sal-dhiggeede
- Raggaan u socdaaye
- Salluug affadiisa
- Facceed ma sinmaanne
- Xil baa na dul saarran
- Haween sabiddooda
- Sinjiyo dhay-yaddiis ah
- Siidhkii berriyeeda
- Saakuun tammarteed ah
- Sagaal la sug-yaa-yo
- Sid raacsadtayyaa-yo
- Sahriyo noqqdtaaba
- Suubaalle dirreedba
- Sabiyo korrontood ah
- Oo siigo u diid-ka
- U sii sax=xar diid ah
- Oo saanyadiddood ah
- Sammaalle u doorree
- Soomaarre ku gayn ah
- Kushetic ku sal-layn ah
- Ku sii socod-sii ah
- Illaa nabi saallax,
- Middaan u socthaa ah
- Nimmaan subax toosin
- Sarreedo adduunyo
- Hadduu ku saxriirro
- Siduu fash-shay weeye
- Sidaan ula jeedo
- Sammaan ku mudnaanin
- Sinnaanshaha weeye
- Inaad ka dhex soocmin
- Bahdaad la safnaadto
- La soorre la siiye
- Si weeye nusqaan ah
- Ahaanshaha saammi
- Inaad saxxar-laawe
- Ahaadtid si weeye
- Sidii u mudnayde’,
- Nimmaan salladdooda
- Haween ku salluugin
- Markey surmiyaayda
- Sindhiidhaha joogto
- Ayuun sallidmeyne
- Waryuun saq-dhaxxaadku
- Dantiin idin seejin,
- Dan aad gudan saagka
- Waryay idin seejin
- Middii sugmi-layd
- Berriyo subaxdeeda,
- Barriido sammeeye
- Sallaanta ku qaada
- Sallaammu calaykum
- Allow sahalkaaga
- Sugnaan ugu daaji
- Ku sii sad-bursiimmo
- Intuu nin ka seexday
- Mirqaan saq-dhexxeystay,
- Sidaas ba sidiis dheh
- Siduu yahay jeer-ba
- Salluug xummihiissa
- Kolkaan sado eebbe
- Ku seejje ku sheegay
- Sab-oolshe ku sheegay
- Saxriirshana raacshay
- Si uu shirki oo dhan
- U suullo darted
- Haddaan summadeeyo
- Salluug lamma beerto
- Loommana suxxul duubo
- Ayaan ku salloogay
- Soohidda xadhiggii
- Salluug dabri-laa
- Yaa saatirrul-qaabbid
- Soomaali yabaal-ku
- Khayrkoodi ka saar’e
- Adaa karra suullin
- Inaad naga soocdo
- Ood suubanni guul-leh
- Halkaan u safrayno
- Aan saadda ku gaadhno
- Ayaan sammahaaga
- Ducciyo sal-dhiggeedi
- Suugaan ku xarriirshee
- Yaa saamidul saamid
- Sabuur baryadiisi
- Ayaan sacab hoorshay
- Waliba ku saxxeex-xay
- Inaan ku sagoodsho
- Salluug ina seejjee
- Salfade ha la waayo,