Muqdisho (AGGM): Xerada Jaziira ee Duleedka Magaalada Muqdisho waxaa lagu tababaraa Ciidanka Milatariga Soomaaliya kuwaa oo loo diyaarinayo in ay ka qeyb qaataan howlaha nabad kusoo celinta Dalka Somaaliya.
Howl galka Midowga Yurub ee dhinaca tababarka Ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa laga soo wareejiyay Dalka Uganda , waxaana hada Ciidanka Soomaaliya looga furay Xeryo lagu tababaro gudaha Soomaaliya.
Saraakiil Reer Galbeed ah ayaa tababaro nuucyo kala duwan ah waxa ay Xerada Jaziira ee Duleedka Magaalada Muqdisho kusiiyaan Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya oo isugu jira rag iyo Dumar.
Ciidamada katirsan Milatariga Soomaaliya ee tababarka la siinayo ayaa la baraa farsamooyin kala duwan oo dhinaca Milatariga , waxaana tababarka siiya Ciidanka Soomaaliya saraakiil Reer Galbeed ah.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com