K/AFRIKA : Maxaa Laga Yiri Ballan-qaadkii Soomaalida Ee Dowladda K/Afrika ? (Xog Cusub)

0

CAPE TOWN, South Africa — Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika, ayaa si weyn usoo dhawaysay ballanqaadkii ay ka heleen Dowladda Koonfur Afrika, kaasi oo wax weyn ka badeli doona nolosha iyo ganacsiga muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Save Somali Comunity Mudane Yuusuf Cumar Axmed, ayaa sheegay inay si niyad leh usoo dhawaynayaan ballanqaadkii ay Jimcihii tagay ku dhawaaqeen Madaxda Xisbiga talada dalkani Koonfur Afrika haya ee ANC, kaasi oo ahaa in arimaha sharciga iyo ammaanka wax weyn ay ka qaban doonaan, islamarkaana ay u fududeen doonaan muwaadiniinta Soomaaliyeed oo si weyn ugu dhibanaa arimahaan.

“Is dhexgalka Soomaalida iyo Xisbiga ANC, ayaa fududeeyey shirweynihii Soomaalida iyo ANC yeelatay, waxayna madaxdooda noo balan-qaadeen in muwaadin kasta oo Soomaali ah uu helayo Sharciga dalkani K/Afrika haddii uu buuxiyo dhammaan shuruudaha laga doonayo” sidaana waxaa yiri Gudoomiye Yuusuf, oo intaa ku daray in Sharciga la siinayo Soomaalida ay Dowladda K/Afrika uga gol leedahay sidii ay Soomaalida ugu codeen lahaayeen xisbiga ANC ee Madaxweyne Jocob Zuma, marka la gaaro doorashooyinka Dowladda hoose ee 2016 -ka.

Si kastaba Xisbiga talada haya ee ANC oo hadda 102-sano jirsaday, ayaa cod iyo taageero kalaba ka doonaya iminka Soomaalida South Africa ku nool oo hadda lagu qiyaaso in ka badan 45-kun oo ruux, iyadoo ay xusid mudan tahay in sanadkan uu yaraaday dilkii Soomaalida aalaaba loogu gaysan jiray dalkani Koonfur Afrika.

Save-Somali-Community-1

C/risaaq IndhaJaceyl
+27783420920
E-mail : Daauus1@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com