Daawo Sawirada: Dowladaha Soomaaliya iyo Burundi oo isla gartay iskaashi dhinacyo badan leh.

0

Mogadishu, February 10, 2014 – War murtiyeed si wadajir ah ay maanta u soo saareen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh iyo dhiggiisa dalka Burundi H.E. Laurent Kavakure ayaa lagu faah-faahiyay isfaham labada dowladood dhexmaray kadib booqasho seddex cisho ah qaadatay oo uu Muqdisho ku joogay wafdiga ka socda dowladda Burundi oo garoonka Muqdisho uu ku sii sagootiyay gelinkii hore ee maanta Wasiiru dowlaha Wasaaradda H.E. Buri’ Mohamed Hamza.

War murtiyeedka oo uu saxaafadda u aqriyay Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya ee Bujumbura – Burundi Ambassador Abshir Hassan Abshir Farah ayaa waxaa lagu sheegay in labada dowladood ay isla garteen iskaashi wadajir ah oo ay ka sameeyaan dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda , nabad gelyada iyo maalgeshiga .

Waxaa kale oo labada dowladood ay isla garteen dhisidda guddi wadajir ah oo ka shaqeeya sidii loo horumarin lahaa xiriirka labada dal, iyadoo dowladda Burundi ay dhowaan ka furan doonto Caasimadda Muqdisho safaarad.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Burundi H.E. Laurent Kavakure ayaa ku cazuumay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh inuu booqasho rasmiya ah ku yimaado Magaalada Bujumbura ee caasimadda dalka Burundi .

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahad celisay dowladda iyo shacabka Burundi ciidamada nabad ilaalineed ee ay ku tabaruceen howlgalka nabad ilaalinta (AMISOM) , iyadoo ciidamada Burundi ay kaalin muuqata ku leeyihiin xasilinta ammaanka dalka , taasoo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed aaney marnaba iloobi doonin dhiiga walaalnimo ee Burundi ay u daadisay howgalka nabad ilaalinta Soomaaliya.

DSC03990 DSC03989 DSC03979 DSC03977 DSC03976 DSC03975 DSC03964 DSC03963 DSC03962 DSC03955 DSC03954 DSC03949 DSC03944 DSC03943 DSC03937 DSC03978 DSC03974 DSC03957 DSC03946 DSC03935

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations
Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page
https://www.twitter.com/mofasomalia
https://www.facebook.com/mofa.somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com