Koox Hubaysan Oo Magaalada Nairobi Ku Dilay Ganacsade Soomaali Ah.

0

Nairobi (AGGM): Koox Hubaysan ayaa xalay fiidkii dishay nin ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Marxuum Sheekh Axmed Wali ayaa ka tirsanaa maamulka xawaaladda Bakaal ee magaalada Nairobi, waxaana xilliga la dilay loogu dhacay gurigiisa oo ku yaalla xaafadda South C ee ku taalla Koofurta Bari ee magaalada.

Aaska marxuumka ayaa lagu wadaa inuu galabta ka dhaco qabuuraha muslimiinta isla magaalada Nairobi.

Lama garanayo ilaa iyo hadda sababta iyo cidda ka dambeysay dilka marxuum Sheekh Axmedwali.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com