Top News: Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Abdirahman Beileh oo ka qeybgalaya Shirka Wasiirada Arrimaha dibadda midowga Afrika.

0

Muqdisho (AGGM): Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa kaga qeybgalaya Magaalada Adddis Ababa ee Caasimadda Ethiopia shirka Wasiirada Arrimaha dibadda dalalka xubnaha ka ah Ururka Midowga Afrika (AU),kaasoo lagu wado in uu furmo gelinka dambe ee maanta .

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh, ayaa waxaa ku wehlinaya wafdigiisa Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Abdi C. Dirshe ,waxaana Wasiirku ka qeybgalayaa shirka Wasiirada Arrimaha dibadda Afrika oo loogu tala galay inuu socdo inta u dhaxeysa 27-28 January ,kaasoo gogol xaar u ah Shir madaxeedka 22-aad ee Midowga Afrika oo ay ku kulmayaan hogaamiyaasha iyo madaxda qaaradda Afrika iyo marti sharaf kale oo heer caalami ah , laguna wado inuu socdo inta u dhaxeysa 29-30 bishan , loogana hadli doonoa isku filnaanshaha cunnada iyo beeraha ee Afrika .

Wasiirada Arrimaha Dibadda wadamada Afrika ayaa kulankooda labada cisho ah waxa ay ku gorfeyn doonaan , kuna ogolaan doonaan mashaariicda ,go’aanada iyo tallooyinka la hor dhigi doona Shir madaxeedka hogaamiyaasha Afrika , oo sidoo kale looga doodi doono xal u helidda dhibaatooyinka amaan iyo qalalaase ee ka taagan Wadamada Somalia,South Sudan, Central African Republic iyo kuwa kale .

Ururka Midowga Afrika ayaa halkudhig uga dhigay Shir madaxeedkani , 2014 waa sanadka beeraha iyo isku filnaanshaha cunno , waxaana Ururka uu u dabaal degayaa 10 guurada markii la ogolaaday barnaamijka dhameystiran ee Afrika ee horumarinta iyo beeraha .

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh iyo Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Abdi C. Dirshe ,ayaa waxaa u qorsheysan mudada uu socdo shirka in kulamo gaar gaar ah la yeeshaan qaar ka mid ah Wasiiradda,diblomaasiyiinta shisheeye iyo mas’uuliyiin kale .

Dhanka kale ,Xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa ayaa waxa ka socda kulamo kala duwan oo qaarkood looga hadlayo wadamada xubnaha ka noqonaya golaha ammaanka iyo nabadgelyada midowga afrika , waxaana dowladda Federaalka Soomaaliya ay u tartameysaa Xubinimada golahaasi , iyadoo wadamo kale ay kula loolamayaan xubinima, waxaana Wafdiga dowladda Soomaaliya ay galaangal iyo olole xoogan ugu jiraan xaqiijinta ku guuleysiga hanashada kursigaasi.
Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations
Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page
https://www.twitter.com/mofasomalia
https://www.facebook.com/mofa.somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com