Muqdisho (AGGM): Sargaal ka tirsan dowlada Mareykanka ayaa Talafishinka CNN ee laga leeyahay dalkaasi u xaqeejiyay in Ciidamo ka tirsan dowladdaasi ay weerar dhinaca cirka ah ku qaadeen hogaamiye ka tirsan xarakada Alshabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.
Sargaalku wuxuu sheegay in weerarkaan loo adeegsaday gantoolo oo aysan jirin ciidamo dhulka yimid oo isku dayay beegsiga hogaamiyahaas.
Saraakiil ka kale oo u hadlay wasaaradda gaashaandhiga ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in hogaamiyaha la baacsanayay uu ahaa masuul sare oo ka tirsan raga ugu saameynta badan xarakada Alshabaab.
Wakiil wareedka Talafishinka CNN u jooga wasaaradda gaashaandhiga Barbara Istaar ayaa u sheegtay Talafishinkaasi in dhaqdhaqaaq laga dhareemayay qeybta wasaaradaas u qaabilsan qaarada Afrika.
Bishii october ee sanadkii la soo dhaafay ayay ciidamo ka tirsan dowlada Mareykanku isku dayeen gacan ku dhigida C/Qaadir Maxamed C/qaadir Cikrama , walow aysan ku guuleysan talaabtaasi.
Dowlada Mareykanka ayaa rumeysan in xarakada Alshabaab ay ka dhiseyso dalka Soomaaliya dowlad ay ku bahoobeen hogaamiyaal xag jir ah oo Soomaalidana caburiya wadamada dariskana ku duulaya.
Xarakada Alshabaab ayaa iyana aaminsan in dowlada Mareykanku ay tahay cadawga koowaad ee Muslimiinta sidaa daraadeena ay tahay in la fashiliyo ujeeda kasta oo ay leeyihiinn madaxda dowladaas iyo xulafadooda caalamka.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com