Dhageyso: Madaxweyne Xasan Sheekh “Damu Jadiid Kama Tarsani, Mana Ma Ihi, Mana Aqaano”.

0

Muqdisho (AGGM): Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Wargeysi uu siiyay VOA waxaa wax laga weydiiyay in dowladiisa ay ku jiraan xubno ka tirsan kooxda Dam-Jadiid.

Madaxweynaha ayaa beeniyay in wax Dam-Jadiid ama dam Qadiima la dhaho aaney ku jirin dowladiisaku jirin, isagana uusan ka mid ahayn wax urur ah.

Madaxweynaha ayaa la weydiiyay in dowladiisa ay ku jiraan xubno ka tirsan Dam-Jadiid “Maya Maya” ayuu ku celceliyay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in arrintaas looga gun lee yahay siddii loo ceebeen lahaa dowladda, mana ahan ayuu yiri wax hadda soo billowday “ Dowladii Maxamed Siyaad Barre ayaa la dhihi jiray Kacaan diid, tii Cabdiqaasim waxbaa laga sheegayay, tii Cabdulaahi Yuusuf waxbaa laga sheegayay tii Shariif waxaa la dhihi jiray Aala Sheekh” ayuu yiri madaxweynaha.

madaxweyne-xasan-sh-maxamuud-kambala

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com