Boosaaso (AGGM): Dagaal xoogan ayaa waxa uu maanta ka dhacay deegaanka Buuraleyda Gal-gala ee gobolka Bari waxaana uu udhaxeeyey ciidamada Amaanka Puntland iyo ciidamada Al Shabaab ee ka dagaalama deegaanada Puntland.
Dagaalka ayaa waxa uu ka dambeeyey kadib markii ciidamada Puntland ay weerar ku qaadeen fariisinta Gal-gala waxaana la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.
Sii hayaha xilka wasiirka Amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan oo shir jaraa’id qabtay duhurnimadii ayaa sheegay inay weerarka qaadeen markii ay ka war heleen in Al shabaab isku uruursanayeen deegaanka Gal gala sidaana ay uga hortageen.
Khaliif Mudan waxa uu tibaaxay inay dileen seddex sargaal oo Al shabaab katirsanaa iyaguna uu Askari ka dhintay waxaana uu hadalkiisa intaa raaciyey inay deegaanka buuraleyda gal gala la wareegeen ciidamada Puntland.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com