Daawo Sawirada: Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle Oo Gaaray Magaalada Muqdisho, Shirarna La Yeeshay Siyaasiyiinta Iyo Odoyaasha Beesha Sade Ee Ku Sugan Magaalada Muqdisho.

0

Muqdisho (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in 12 bishan aynu ku jirno uu gaaray magaaladaadi Wafdi ballaaran oo uu horkayayay Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle oo isugu jiray Aqonayahano iyo Odoyaal dhaqan.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa Wafdigan Balaaran ee uu horkacayay Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle ugu horayn inay kulamo albaabada u xiran la qaateen R/wasaarihi hore Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” iyo R/wasaaraha Cusub Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed, kulamadaasi waxa kasoo baxay ayaan waxaan loo soo bandhigin saxaafada.

Sdioo kale Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle ayaa waxa uu kulamo isadaba joog ah oo uu warbixino uga dhageesanayay la lahaa maalmihi la soo dhaafay odoyaasha dhaqanka, Siyaasiyiinta iyo qeybaha kale ee Beesha Sade ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Kulamadaas oo uu shir gudmoominayay Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle ayaa waxaa laysla qaatay kana soo baxay qodobadan soo socda:

1- In Si Deg Deg Ah Loo Qabto Shirwayne Beesha Sade ay ku yeelanayso deegaanadeeda Gedo ama Galguduud.

2- In Taageero Hiil Iyo Hooba Ah Lala Garab Istaago R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed.

3- In Beesha ay ka shaqeeyso Nabadaynta Deegaanadeeda iyo Deegaanada deriska la ah.

Isku soo wada duuboo dhamaan kulamada uu Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle kula yeeshay magaalada Muqdisho dadka kasoo jeeda Beesha Sade ayaa waxa ay ku soo wada gaba gaboobeen guul iyo is afgarad, waxaana dhawaan la filayaa in uu Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle iyo Wafdi Balaaran oo uu Hogaaminayo ay gaaraan Magaalada Caabudwaaq ee Waqooyiga gobolka Galguduud.

20140117_141932

20140117_141905

20140117_141843

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com