Muqdisho(AGGM):Afhayeenka Madaxtooyada Soomaalia ahna Lataliyaha Dhanka Warbaahinta Madaxweynaha Soomaalia Ing. C/rixmaan Cismaan Cumar Yariisoow ayaa si kulul oga Hadlay Amark ka soo baxay Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab.
Ing. C/rixmaan Cismaan Cumar ayaa sheegay in Amarkii ka Soo baxay kooxda Nabaddiidka ah ee Al-shabaab oo ahaa in Dadka ku nool Meelaha ay ka taliyaan aysan Taleefanada ku Isticmaali Karin Internetka uu yahay mid aan waxba soo kor dhin Karin.
Lataliyaha Madaxweynaha Soomaalia ayaa sheegay in Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab uu Waqtigoodii uu dhamaaday islamarkaana ay Maaweelo ka dhiganayan Amaradaas Daciifkaa.
“Shacabka waxaan ugu baaqayaa in ayasn dhag jalaq u siin hadalka Al-shabaab,waa Hormar in Internedka laga isticmaalo
Taleefoonada,Al-shabaab ma ogola Hormarka Shacabka Soomaaliyeed ay gaaraan”ayuu yiri Ing.Yariisoow.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Shacabka Soomaaliyeed laga Xoreen Doono Dhibaatada Al-shabaab ay ku hayaan si Nabada iyo Hormar loo gaaro.
Dhawaan ayey aheeyd Markii Maleeshiyaadka Al-shabaab Al-Qaa’ida ay Meelaha ay Maamulaan ka Mamnuuceen in Interneedka laga Isticmaalo Taleefanada.
Halkan Guji Kuna Dhageyso Warkan Mobilkaaga…
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com