Muqdisho(AGGN): Gudoomiyihii hore ee Lafoole Jabeey Jaamac Siyaad ayaa xalay Lagu Dilay Qarax loo dhiaga Gaari uu Saarnaa.
Qaraxa ayaa ahaa Bamka Gacmeed,waxaana lala Beegsaday Gaari uu lasocday Gudoomiyihii hore Ee Degmada Lafoole Gobolka Shabellaha Hoose.
Waxaana sidoo kale Qaraxa ku dhaawacmay Saddex Askari oo la saarnaa Gaariga Gudoomiyihii Degmada Lafoole ee Gobolka Shabellaha Hoose,Jabeey Jaamac Siyaad.
Qaraxa oo ka dhacay Isgooyska Tarabuunka ee Degmada Hodan ayaa Dad Goobjoogeyaal ah,waxaa ay Allgalgaduud media u sheegeen in Bamka lagu soo tuuray Gaariga islamarkaana uu Daaqada ka soo galay.
Ciidamada Dowladda Soomaalia ayaa Xalay ilaa Saaka ka Degmada Hodan ka wada Baaritaano lagu baadi Goobaayo Maleeshiyaadka Al-shabaab ee Falkaan geeystay.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com