Dhageyso: Diyaarado Dagaal Oo Maanta Fariisimaha Falaagada Al Shabaab Ku Leeyihiin Duleedka Magaalada Garbahaarey.

0

f16Garbahaareey (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Garbahaarey ee xarunta gobalka Gedo ayaa waxa ay sheegaya in diyaarado dagaal ay duqeymo ka geysteen duleedka magaaladaasi.

Diyaaradahan oo inta badan maanta duqeeyay goobo fariisimo ciidan ah oo ay leeyihiin falaagada argagixisada ah ee Al Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo Mudane Iimaan Caddow Kaarshe oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in khasaaraha maanta falaagada Al shabaab loo geystay uu aad u badan yahay naf iyo maalbana leeyahay.

Diyaaradaha ayaa duqeeyay deegaanka Birta-Dheer oo 25 Km u jira magaalada Garbahaarey ee xarunta gobalka Gedo, koonfur galbeed dalka.

Dhinaca kale Dadka deegaanka ayaa ku soo warramaya in Madaafiic waa weyn lagu garaacay fariisimo falaagada Alshabaab ay ku leeyihiin deegaanno duuleedka ka ah magaalada Garbahaarey.

Isku soo wada duuboo Dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujinaya kuna kala cararay deegaanka la duqeeyay, iyadoo la soo sheegayo in caawa Alshabaab ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wadaan deegaankaasi.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Warkan Mobilkaaga…

Dhagayso Al Shabaab Oo Maanta La Duqeeyay

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com