Muqdisho(AGGM): Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida Ee Dowladda Somalia ayaa Saaka Waxaa ay Xukun Dil ah ku Fulisay Askari ka Tirsanaa Ciidanka Dowladda oo qof shacab ah ku dilay Degmada Howl Wadaag Maalmo sii Horeeyay Iyadoo Subaxii hore Saaka La Toogtay .
Askarigaan oo lagu Magacaabi jiray Maslax Ciise Iimaan ayaa waxaa uu ka mid ahaa Ilaalada Gudoomiyaha Degmada Howl Wadaag Jacfar Waxaana uu Dhawaan Degmadaas ku Dilay Qof Rayid ah Maxkamada Ciidan ayaa horay ugu riday Xukun Ruuxaan manta ayaana lagu Fuliyay Iyadoo ay Goob jog ahaayen Gudoomiyaha Maxkamada Ciidanka iyo saraakiil Waxaana uu ka dhacay Dilku School Boluusiya .
Gudoomiyaha Maxkamada Ciidanka Ibraahim Yarow ayaa waxaa uu sheegay in Aan La cafi Doonin Askari kasta oo Dhib u Geestay Dadka Soomaaliyeed Ama Dil Geestay Isagoo Intaa ku Daray in maal maha Soo Socda Maxkamadu Fulin Doonto Xukuno Dil ah oo Askar lagu Fulin Doono .
Halkan Guji Kuna Dhageyso Warkan Mobilkaaga…
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Xafiiska Warbaahinta Allgalgaduud Ee Muqdisho
Allgalgaduud@gmail.com