War Cusub: Dowladda Ingriiska oo la sheegay in ay Taageerto Burcad Badeeda Soomaaliya.

0

war-h2Muqdisho (AGGM): Warbixintaan oo laga soo xigtay xubno ka tirsan xildhiibanada Ingiriiska ayaa waxaa lagu sheegay in Sadexdii sanno ee lasoo dhaafay ay burcad badeedu hubka ugu badan ka helaysay dawlada Ingiriiska.

Hubka ay burcad badeeda Soomaaliyeed ka heleen xukuumadda Ingiriiska waxaa tiro ahaan gaarayaa (44,000 Afartan iyo Afar kun) oo qoryaha nooca daran dooriga u dhaca ah iyo 30,000 oo rasaas ah, 2,536 xabbo oo baskoolado ah iyo 11,000 oo xabadooda ah.

 

Nin madax ka ah gudiga dabagalka hubka ay dibadaha u dhoofiso dawlada Britain oo la yiraahdo Edward Bell ayaa u sheegay wargayska Russia Today oo kasoo baxa magaalada Moscow inay ogaadeen in dawlada Ingiriiska ay bixisay qandaraas ah in hub la keeno geeska Africa si gaar ahna gacanta loogu galiyo burcad badeeda Soomaaliyeed.

“Waxaa jira cadayn ah in xukuumadda uu hogaamiyo David Cameroon ay hubayso burcad badeeda Soomaalida waxaana ay taageeradaas socotay tan iyo sanadkii 2011,kii” ayuu yiri Edward Bell.

Burcad badeeda ayay caalamku u arkaan dhibaato amaan oo ka taagan biyaha badaha ku teedsan geeska Africa halkaasoo illaa haatan lagu haysto tiro gaadiid ah iyo shaqaalihii saarnaa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Xafiiska Warbaahinta Allgalgaduud Ee Muqdisho

Allgalgad