Dhageyso: Madaxweyne Cumar Al Bashiir Oo Tagay Magaalada Jubba Ee Dalka Koonfurta Suudaan.

0

al bashiir and kiirJubba (AGGM):Madaxweynaha Sudaan Cumar Al Bashiir ayaa maanta waxa uu gaaray magaalada Jubba ee Koonfurta Suudaan.

Wasiirka Warfaafinta S/Sudan Ahmed Bilal oo la hadlay Idaacada VOA qaybteeda English-ka ku baxda ayaa sheegay Albashiir inuu yahay qof aqoon badan u leh xal u helida arimaha ka taagan Koonfurta Sudan isla markaana uu gacan wanaagsan ka gaysan doono sidii dhinacyada isku haya Siyaasada la iskugu soo dhawayn lahaa.

Wxuu sheegay Mr Bilal Madaxwaynaha dalka Sudan Cumar Albashiir inuu sheegay walaac xoogan inuu ka muujinayo dagaalada ka socda Sudan tan iyo bishii hore kuwaasoo samaayn xoogan ku yeeshay kumanaan ruux oo u dhashay dalkaasi.

Ahmed Bilal ayaa sheegay wada hadalada labada geesoodka ah ee ka soconaya magaalada Addis Ababa inay horseedi karaan xal in laga gaaro mushkiladaha imika taagan.

Halkan Guji Kuna Dhagweyso Warkan Mobilkaaga…

Dhageyso Warka Labada Suudaan

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com