Daawo Sawirada: Soomaalida Columbus Ayaa Si Weyn Uga Soo Qeybgalay Xaflad Lagu Taageerayay R/wasaare Dr Abdi wali Sheikh Ahmed.

0

IMG_0067Columbus (AGGM): Xaflada waxaa ka hadlay aqoonyahan iyo siyaasiyiin si weyn ugu dheeraaday xaalada adag ee dalka iyo howsha culus ee hortaala Masuuliyiinta dowlada iyada oo ugu baaqay in ay xil iska saaraan sidii ay waqtiga uga faaiidaysan lahayeen isla markana dadka ugu samayn lahayeen dib u heshiisiin.

Waxaa ka dhex muuqanayay xaflada dhinacyada bulshada waxaana qeybta madadaalada joogay Fanaaninta reer Columbus oo ay ka dhex muuqanaysay Xidigadii qaranka Sahro Dawo.

waxa ay xafladan ku soo aaday xili Cimilada gobolku ay aad u xumayd oo uu jiray qaboow badan iyada oo Baraf uu dayay, waxaana dadweynuhu ay muujiyeen wadaniyadooda kadib markii ay ku soo baxeen Cimilada aadka u qaboow.

Xafladan ayaa imaanaysa xili inta badan Jaaliyadaha dibada ay Su’aalo iska weydiiyaan waxa sababa in dowladu ay midnimo la imaan weydo isla markaana ka wal walaya in dhaqankaasi uu noqdo mid soo laalabta.

IMG_0342 IMG_0208 IMG_0205 IMG_0071 IMG_0070 IMG_0203 IMG_0198 IMG_0328 IMG_0193 IMG_0192 IMG_0187 IMG_0067 IMG_0180 IMG_0254 IMG_0296 IMG_0245 IMG_0062 IMG_0156 IMG_0153 IMG_0151 IMG_0149 IMG_0261 IMG_0272 IMG_0351 IMG_0346 IMG_0344

Deeqo SONNA
Columbu-Ohio

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com