Caabudwaaq (AGGM): Qurba Joogta ka soo jeeda waqooyiga gobolka Galguduud, ayaa waxa ay si wada jir ah u dirayaan baaq Nabadeed oo ku aadan shaqaaqooyinka dhowaanahan ka dhacayay nawaaxiga magaalada Caabudwaaq.
Anagoo aad uga xun dhacdooyinka dhawaanahan soo laab laabtay haddana garoowsan Qadarta Alle, waxaan marka hore dhambaal Tacsiyeed u direynaa dhamaan Qoysaski iyo Qaraabadi dadki ku dhintay shaqaaqooyinka,Waxaana Alle uga baryaynaa inuu samir iyo imaan ka siiyo, Inta ku dhaawacantayna waxaan Alle uga baryaynaa iyagana in uu Cafimaad siiyo.
Waxaan baaq Nabadeed u direynaa Waxgaradka, Maamulka iyo dhamaan qaybaha bulshada ee ku dhaqan Waqooyiga Gobolka Galguduud inay iska kaashadaan kana hortagaan wax walba oo dhibaato u keeni kara Horumarka iyo Wadajirka dadka walaalaha ah, islamarkaana waxii dhacay lagu xaliyo daganaan, Diinta islaamka iyo xeerka suuban ee dadka deegaanka u yaal.
Baaqan waxaa si wadajir ah u diraya, Culimaa’udiinka, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanada, Ganacsatada iyo dhamaan qaybaha kale ee bulshada ku nool daafaha aduunka kuwaas oo ah dadki deegaanka u dhashay, waxayna walaac ka qabaan sii socoshada colaadahan, waxayna iyaga oo dadaal dhanka hawada ah la sameenaya deegaanka ay xoojinayaan qaab walba oo nabada lagu xoojinayo.
Qurba Joogta ayaa dhanbaal gooniya u diraya Waxgaradka in ay Qaataan go’aamo wax looga badalayo hanaanka Nabada oo ay la yimaadaan wax kala xadiid kara dadka sida in la raaco xeerka deegaanka uga yaala qofki qof dila.
Ugu Danbeynti ayay gudiga Qurba joogta waxa ay dadka deegaanka ugu baaqeen xoojinta Nabada oo ah mnid ay deegaano badan ku dhaafeen.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com