Xog La Helay: Axmed Madoobe Oo Saxiixay Warqada UN-ka Ku Soo Dejinayo 20 Kun Oo Qoys Magaalada Luuq Ee Gobolka Gedo.

0

axmed madoobeWararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ayaa waxa ay sheegayaan in horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo dhawaan dib uga soo laabtay magaalada Nairobi uu ahaa shaqsiga UN-ka ka saxiixeen warqadaha dib loogu soo celinayo 20 kun oo qooys oo ku sugan xeryaha Qaxootiga ee dalka Kenya kana soo jeeda deegaanada Bay iyo Bakool.

Ujeedada Horjoogaha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe u saxiixay warqadahan ayaa waxaa lagu macneeyay mid uu ku doonayo in gobolka Gedo uu noqdo mid muran iyo dagaalo hareeyaan.

Arrintaan labaatanka kun ee qooys lagu soo dejinayo degmada Luuq ayaa waxaa kale oo lagu macneen karaa in laga leeyahay ujeedooyin kale oo siyaasadeed laguna doonayo in degmada Luuq ay ka baxdo gacanta dadka hada ugu badan ee daga, sidoo kale Qorshahan ayaa wax ka og Dowladda Soomaaliya.

Labaatankan kun ee qooys ee dib loogu soo celinayo Soomaaliya ayaa waxaa qorshuhu yahay in la dejiyo magaalada LUUQ, dhamaan qooysaskan ayaa waxa ay ka soo jeedaan deeganada Bay iyo Bakool, mana ay aha dad u dhashay gobolka Gedo.

Horjoogaha Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Mdoobe ayaa dadka badankii weli ay u sacaba tumayaan waxa ayna ilaa hadda fahmi la’a yihiin dagaalka ba’an ee uu ku hayo dadka ka soo jeeda Gobolada Jubboyinka iyo Gedo.

Qorshahan ayaa haddii uu sii socdo waxa uu keeni karaa in ay dib uga curtaan deegaanadaas dagaalo sokeeyo maadaama la doonayo in laga barakiciyo dadka daganaa deeganadaas lana doonayo in lagu abuuro kuwo cusub.

Isku soo wada duuboo dadka ka soo jeeda gobolka Gedo iyo Mas’uuliyiinta gobolkaas ayaa waxa ay warqado qoraalo ah u gudbiyeen UN-ka iyadoo laga war dhoowrayo waxii jawaab ah oo ka soo baxa UN-ka.

Waxii ka soo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media.

Qoraalo Hore:

Halkan Guji Akhriso Qoraal Ka Soo Baxay Luuq Indigenous Forum (LIF).

Halkan Guji Akhriso Maamulka Ahlusunnada Koonfureed O Warqad U Direy UNHCR.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com