Wasaaradda Duulista Somaliland oo ka war-bixisay diyaarad ku ciladowday madaarka Hargeysa

0

Afhayeenka-duulistaHargeysa(AGGM) Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland ayaa ka hadashay diyaarad rakaab siday oo shalay madaarka Hargeysa ay cilad xagga mishiinka ah ku haleeshay ka dib markii ay istaadhmi wayday, xiligii ay madaarka ka kici lahayd.

Diyaaraddan oo ay lahayd shirkadda African Airways kana soo duushay magaaladda Nayroobi ee dalka Kenya, isla markaana u socotay magaaladda Hargaysa ayaa markii ay ka soo degtay madaarka Hargeysa, waxaana la sheegay inay cilad xagga mishiinka ahi ku timid taasi oo sababtay in ay u duuli kari wayday diyaaradu halkii ay uga sii gudbi lahayd Hargaysa.

Sida uu noo xajiijiyay Af-hayeenka wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka cirka, Saddaam Maxamed Axmed oo xalay telefoonka ugu waramay Allgalgaduud, ayaa sheegay in wasaaradda Duulistu ay baadhitaan ku wado arrinta diyaaradaasi, “Arrinta diyaaradan waxay hadda wasaaradu ku wadaa baadhitaan, wixii masuuliyad ah ee shirkadda NASHA ku leedahay waa la eegayaa, laakiin diyaaradaasi maanta (Shalay) ku ciladowday madaarka Hargeysa doorka ama kaalinta ay wasaaradda duulistu ku lahayd oo ay gabtay ma jirto,” ayuu yidhi Saddaam Maxamed.
Waxa kale oo uu afhayeenka wasaaradda duulistu cadeeyay in diyaaradaasi ay xalay u dhaxday ama u hoyatay madaarka Hargaysa, isaga oo xusay in la filayo in cilada laga saaro maanta, iyada oo sida uu afhayeenku tilmaamay dadkii rakaabka ahaa ee ay qaadi lahaydna diyaaradaasi lagu wareejiyay mid kale.

Isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Caawaba (xalay) madaarka Hargeysa ayay ku dhaxday berri (maanta) ayaana la filayaa in cilada laga saaro, baytariyo ayaanna loo diray , ciladuna mid weyn ma aha ee waa xagga istaadhka, taasina si fudud ayaa loo xalinayaa, dadka ku shaqada leh iyo farsamo yaqaanaduba way ku hawlan yihiin, waxaanay balan-qaadeen berito (maanta) inay shaqayn doonto, dadkii rakaabka ahaa ee ay diyaaradu qaadi lahayna mid kale ayaa lagu wareejiyay.”

Dhinaca kale afhayeenka wasaaradda duulista Mudane Saddaam Maxamed Axmed, waxa uu beeniyay warar ay warbaahinta qaar ka qoreen arrinta diyaaradaasi, kuwaasi oo ku eedeeyay wasaarada duulistu in ay ku fashilantay wax ka qabashada diyaaradaasi, isaga oo tilmaamay in aanay wasaaradda duulistu ku shaqo lahayn hagaajinta iyo cilad ka saarida diyaaradaha xumaada. Balse ay ka masuul tahay ammaanka ilaalinta madaarrada Somaliland.

“Wasaaradda duulistu doorka ay ku leedahay wax ka qabashadda arrinta diyaaradani ma aha inay cilada ka saarto ama ay hagaajiso, balse waxay wasaaradu ku shaqo leedahay sugida ammaanka madaaradda Somaliland hagida diyaaradaha iyo nidaamkooda, shirkada NASHA la yidhaahdo ayaa annaga (Wasaaradda Duulista) noo qaabilsan wixii farsamo ah. Warbaahinta qaar ayaa qoray in wasaaraddu ku fashilantay inay wax ka qabato ciladda diyaaradaasi, arrintaasi waanu saxaynaa sida ay warbaahintu u sheegeen ma aha, wasaaradu farsamo ahaan kama shaqayso cilad ka saarista ama hagaajinta diyaaradaha xumaada.”

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com