Kismaayo (AGGM): Wararka magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dagaal xooggan oo la isku adeegsaday hub isugu jira kuwa fud-fudud iyo kuwa cul-culus uu ka dhacay deegaanka Kulbiyow ee Jubbada Hoose.
Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Dagaalkan uu dhaxeeyo maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo gacan ka helaya ciidamada Kenya iyo ciidamada falaagada Alshabaab oo dagaalkan soo qaaday.
Deegaanka Kulbiyow ayaa waxaa ku sugan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni iyo ciidamada Kenya ee maanta la weeraray waxaana sidoo kale jira dhaqdhaqaaqyo ciidan oo labada dhinac ay wadaan.
Dagaalka ayaa hadda joogsaday mana ay jiraan wax rasaas ah oo dhacaya, waxaase laga dareemayaa deegaanka Kulbiyo iyo nawaaxigeeda xiisad dagaal iyo dhaq dhaqaaq ciidan.
Isku soo wada duuboo dagaalkan ayaa waxaa ka dhashay khasaare waxaana khasaaraha ugu badan uu gaaray dhinacyadii dagaalka uu dhexmaray.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com