Caabudwaaq (AGGM): Bannaanbax lagu taageerayay raysul wasaaraha cusub ee Soomaaliya loo magacaabay oo uu soo qaban-qaabiyay maamulka magaalada Caabudwaaq ayaa maanta ka dhacay magaalada Caabudwaaq.
Bannaanbaxa oo ay ka qeyb galeen dad aad u badan iyo xubno ka socday maamulka degmada ayaa lagu muujiyay taageerada looga hayo raysul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo uu maalin ka hor magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Guddoomiyaha degmada Caabudwaaq Mudane Axmed Jaamac Dhirif ayaa sheegay inuu rajo ka qabo raysul wasaaraha cusub inuu wax badan ka qaban doono dedaalka lagu samatabixinayo shacabka Soomaaliyeed.
Banaanbaxan ayaa waxaa sidoo kale uu ka dhacay dhamaan degmooyinka gobolka Galguduud.
Isku soo wada duuboo Gudoomiyaha degmada Caabudwaaq ayaa sheegay kumamanaan dadwayne ah oo iskaga soo baxay saakay xaafadaha kala duwan ee degmada Caabudwaaq inay banaanbax ka dhigayaan gudaha magaalada, wuxuna xusay Banaanbaxaan inuu yahay kii ugu balaarnaa ee lagu soo dhaweeyo Ra’iisul Wasaare Soomaaliyeed.
Halkan Guji Kuna Dhageyso Mobilkaaga…
Banaanbaxa Lagu Taageerayo Raiisulwasaaraha Cusub
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com