Top News + Daawo: Bannaanbax Lagu Taageerayo R/Wasaare C/weli Sheekh Oo Ka Dhacay Magaalada Jowhar.

0

BanaabaxJowhar (AGGM): Bannaanbax lagu taageerayay raysul wasaaraha cusub ee Soomaaliya loo magacaabay oo uu soo qaban-qaabiyay maamulka gobolka Shabeellaha dhexe ayaa shalay ka dhacay magaalada Jowhar.

Bannaanbaxa oo ay ka qeyb galeen dad aad u badan iyo xubno ka socday maamulka gobolka ayaa lagu muujiyay taageerada gobolka looga hayo raysul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo uu maalin ka hor magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha dhexe Cabdi Jiinow ayaa sheegay inuu rajo ka qabo raysul wasaaraha cusub inuu wax badan ka qaban doono dedaalka lagu samatabixinayo shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu ka codsaday raysul wasaaraha inuu booqashadiisa ugu horreysa ku tago degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com