Nairobi (AGGM): Dowladda Kenya ayaa beenisay warbixin ka soo baxday Booliska magaalada New York ee dalka Mareykanka oo ahaa inay baxsadeen dableydii weerartay Rugta Ganacsiga Westgate bishii September.
Afhayeenka Ciidamada Milateriga Kenya Emmanuel Chirchir ayaa sheegay in kooxihii weeraray xarunta Ganacsiga Westgate Mall ee magaalada Nairobi ay dhamaantood geeriyoodeen.
“Waa geeriyoodeen kooxihii weeraray Westgate, waxay ahaayeen afar ruux oo hubeysan, dhamaantood waa dhinteen”ayuu yiri Emmanuel Chirchir.
Booliska New York ayaa sheegay maalin ka hor inay baxsadeen kooxihii weeraray Xarunta Ganacsiga Westgate.
Warbaahinta Caalamiga ayaa siyaabo kala duwan horay uga hadashay weerarkii Westgate, waxaana saraakiisha Kenya ay sheegeen in kooxihii weeraray Westgate ay u dhaxeeyeen 10-15 ruux oo hubeysan.
Hase ahaatee muuqaalo la baahiyay oo ay duubtay Kaamirada Qarsoon ee CCTV ayaa muujisay in kooxihii weeraray Xarunta Westgate ay gaarayeen afar ruux oo ku hubeysnaa bambaanooyin iyo qoryaha fud fudud.
In ka badan lixdan ruux ayaa ku dhintay weerarkii Westgate, halka boqol kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo weerarkan ay mas’uuliyadiisa sheegatay Xarakada Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com