Muqdisho (AGGM): Guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya oo xalay gaaray Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa la filayaa inuu maanta ka qeybgalo xuska 50-aad ee kasoo wareegatay markii ay Kenya ka xurowday Gummeystihii Ingiriiska.
Prof. Mxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Nairobi, waxaana halkaasi si diirran ugu soo dhaweeyay madaxda dalkaasi Kenya.
Gudoomiye Jawaari ayaa ujeedada safarkiisa ku sheegay ka qeybgalka xuska sanadguurada 50 aad ee ka soo wareegtay markii uu dalkaasi xoriyadiisa ka qaatay gumeystihii Ingiriiska.
Dhanka kale gudoomiyaha Baarlamanka ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu howlo dastuuri ah uga baaqday ka qeybgalka munaasabada xuska maalinta xoriyada ee dalka Kenya taas bedelkeedana uu isagu metelayo dowlada Soomaaliya.
Halkan Guji Kuna Dhageyso Mobilkaaga…
Halkaan Hoose Ka Dhageyso Jawaari
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com