Top News: Maleeshiyo Beeleed Baneeyay Deegaano Ku Yaal Duleedka Magaalada Jowhar.

0

beelJowhar (AGGM): Beel ka mid ah beelihii hore ugu dagaalamay bariga magaalada Jowhar ayaa sheegtay in bilowday inay kala baxdo ciidamadeeda deegaano ku yaal bariga Jowhar.

Munaasabad lagu sagootinayay maleeshiyadan oo lagu qabtay meel dhinaca bari ka xigta magaalada Jowhar illaa 2km ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socotay maamulka gobolka Sh/dhexe,saraakiil ka socotay wasaarada arrimaha gudaha,nabadoono,aqoonyahano, dhalinyaro, culumaa’udiin iyo haween.

Duqeydii ka qeybgashay munaasabadan ayaa waxaa ka mid ahaa Xaaji Maxamuud Hilowle,Cali Nuur Xasan (Qalac),Nabadoon C/fataax Macalin Maxamuud iyo qaar kale.

Guud ahaan nabadoonada ayaa waxaa ay u sheegeen maleeshiyaadkii in ay dhamaatay colaadii islamarkaana la gaaray is afgarad labada dhinac ah haatana aysan ahayn inay sii joogaan deegaanada ay dhufeyska ugaga jireen.

Kusimaha guddoomiyaha maamulka gobolka Sh/dhexe Yuusuf Cabdi Cabdulle oo ka qeybgalay munaasabaadaan ayaa waxa uu u mahadceliyay wasaarada arrimaha gudaha oo soo qabanqaabisay qaabkii maleeshiyaadkaan loogaga saari lahaa deegaanada ay dagaaladu ka dhaceen.

“Waxaa hore loo gaaray heshiis ka kooban qodobo ay kamid yihiin xabadjoojin,in maleeshiyaadka la kala qaado,in ciidamo ka socda dowlada la geeyo deegaanada ay colaadu ka dhacday kadibna la soo afjaro colaada.”ayuu yiri Yuusuf Jaalle.

Maleeshiyaadkan ayaa intooda badan waxaa ay ka yimaadeen deegaano ay gacanta ku hayaan ururka Alshabaab lamana oga sida ay dib ugugu laabanayaan deegaanadoodii.

Hase ahaatee colaada u dhexeysay beelaha Maxamed Muuse iyo Walamoy ayaa sababay dhimashada tiro dad ah oo aan la xaqiijin,dhaawac iyo kumanaan ruux oo deegaanadoodii ka barakaceen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com