Top News: Ciidamada New Booliiska Oo Dad Rayid Ah Ku Xasuuqay Deegaanada U Dhexeeya Mustaxiil Iyo Qalaafe.

0

new booliskaMustaxiil (AGGM): Ciidamada New police ee Ethiopia ayaa xasuuq aad u weyn u geeystay dad shacab ah, kuwaasi oo ku noolaa deegaanada xuduud xoogeedka u dhaxeeya Dalalka Soomaaliya Ethiopia.

Mid kamid ah waxgaradka ka soo jeedaa deegaanka dadka lagu xasuuqay ayaa warbaahinta u sheegay in ay ciidamada Ethiopia dileen 15 ruux ayna dhaawaceen 5 ruux, waxaana uu sheegay in magaaladi dhan ay gubeen.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidamadu ay ka baxeen deegaanka ay falkaas ka geysteen, isagoo xusay in hadana deegaankii falku ka dhacay dadku ku soo laabteen, waxaana uu sheegay in ciidamadii falkasi geeystay ay wali doonayaan in ay mar kale ku soo laaabtaan deegaanka oo ay dhibkale u geeystaan.

Isku soo wada duuboo Deegaankaan Falkaan ka dhacay ayaa waxaa uu u dhaxeeyaaa Deegaanada Mustaxiil iyo Qalaafe, kuwaasi oo dhaca, xuduud xooga ay ku sameeysatay dowlada Ethiopia ee Soomaaliya ay la wadaagto.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com