Real Madrid Oo Wajigabax La Kulantay Ka Dib Barbaro Goolal La’aan Ah Oo Ay La Galeen Koox Heerka Seddexaad Ah.

0

realReal Madrid ayaa lagu qabtay barbaro gool la’aan ceeb ah oo ay kala kulmeen kooxda heerka seddexaad ee Olimpic de Xativa kulankii xalayto ee wareega 32da Copa del Ley lugtiisa hore, waxaana cagaha loo dhigay dhulka ka dib guulo waa weyn oo isku xiga.

Kooxda ugu dakhliga badan adduunka ayaa waxaa ka maqnaa xiddigaha sida Cristiano Ronaldo, Gareth Bale iyo Xabi Alonso laakiin koox ay ka buuxday xiddigo kale oo heer caalami ayaa ku guuldareystay inay guul ka gaaraan koox aad u hooseysa oo marti loogu ahaa garoonkooda yar ee u dhow Valencia.

Ciyaartoyda Olimpic kuwaasoo ka ciyaara horyaalka goboleed islamarkana hal darajo ka hooseeya kooxda heerka labaad ee ay leedahay Real Madrid ayaa si madaalenimo ah u shaqeeyay iyagoo u diiday in kooxda weyn ee martida u aheyd ay siiyaan fursado badan.

Macalin Real Carlo Ancelotti oo kooxdiisa ay dhalisay 18 gool afartii kulan ee ugu danbeysay ayaa inta badan ciyaarta ku dhameystay isagoo si carro leh u calaajinaya xanjo islamarkaana madaxiisa ruxaya.

Xitaa markii la soo geliyay weeraryahanka France Karim Benzema iyo xiddiga Croatia Luka Modric qeybtii labaad waa ay ku guuldareysteen inay wax u qabtaan Los Blancos.

Markii seerigii ugu danbeysay uu yeeray waxaa dabaaldeg weyn uu ka dhacay garoonka yar ee martida loogu ahaa kooxda heerka seddexaad.

Real ayaa martigelin doona lugta labaad Olimpic 18ka December.

Natiijooyinka kulamadii xalayto:

Recreativo Huelva 1-0 Levante

CD Olimpic Xativa 0-0 Real MadridCD

Celta de Vigo 1-0 Athletic Club

FC Girona 1-1 Getafe

UE Sant Andreu 0-4 Atlético Madrid

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com