Fadeexad: Madaxweyne Xasan Oo Hanjabay “Jawaari, Saacid Haduu Ka Khudbeeyo Baarlamaanka Waxaa Kugu Dhacaya Waxaan Weligaa Kugu Dhicin”.

0

Xasan-Sheekh-iyo-JawaariMuqdisho (AGGM): Wararka naga soo gaaraya maanta magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu xiriir dhanka telefoonka ah la sameeyay waxa uu i cadna ugu hanjabay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari  isagoo ku iyir “Jawaari, Saacid Haduu Ka Khudbeeyo Baarlamaanka Waxaa Kugu Dhacaya Waxaan Weligaa Kugu Dhicin”.

Warkan ayaa intaasiw axa uu ku darayaa in Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ay Hanjabaadan ku abuurtay Cabsi badan oo ka soo wajahday dhanka amaankiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu aad uga careeysan yahay khudbada uu doonayo in R/wasaaraha uu ka jeediyo golaha Shacabka taas oo ah mid sharciga waafaqsan balse Madaxweynaha uu ka shaki qabo haddii ay dhacdo in waxbadan uu R/wasaare Saacid fashilinayo.

Hanjabaada iyo habdhaqanka Madaxweyne Xasan ayaa Xildhibaanada badankood waxa ay ku macneeyeen mid aan waxba kaga duwaneen kaligood taliyeyaasha dowladdaha Afrika, balse mar walba Hanajaabadahooda fashil ku dhamaada maadaama ay doonayaan inay ku tuntaan sharciga dalalkooda u yaal.

Sida caalamkaba lagu yaqaan xukuumad marki mooshin laga keeno waa in R/wasaaraha xukuumadaasi uu goob joog ku ahaado halka lagu qaadayo mooshinka, si uu u difaaco Xukuumadiisa amaba uu ugu sheego wax ay ku qancaan Xildhibaanada mooshinka ka keenay.

Dhinaca kale arintani ayaa waxa ay soo dedejineysaa sida ilo xog ogaal ah ay u sheegaan warbaahinta Allgalgaduud Media haddii aan loo ogolaan R/wasaare Saacid in uu golaha shacabka ka khudbeeyo in dowladdaha beesha Caalamka ay si toos ah u soo faragaliyaan khilaafka Madaxweynaha iyo R/wasaaraha ee loo rogay in xukuumada mooshin laga keeno, taa oo sabab looga dhigayo in arimo kale balse la barbar marayo mida dhabta ah ee ah in Madaxweynaha iyo R/wasaaraha isku khilaafeen arrin Dastuuri ah.

Isku soo duuboo run iyo been lama tartansiin karo waxaa nooga haray kulanka Baarlamaanka ee looga doodayo mooshinka saacado, sida dad badanina Rajeenayaa haddii uu R/wasaare Saacid ku guuleeysto waxa ay noqonaysaa abid marki ugu horeeysay Xildhibaanada iyo Baarlamaanka Soomaaliya oo si caadalad ah u guta waajibaadki shaqo ee horyaalay, haddii Madaxweynaha iyo urur Diimeedkiisu guuleeystaana waxa ay noqon doontaa Soomaaliya oo ay ka qasaarta 4 sano oo hor leh kuna sii dhacday god dheer oo sida looga soo baxshaa ay adag tahay maadaama Taladii dalka ay la wareegeen urur Diimeedka Damu Jadiid.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com